Jijigawe.com
combination of ideas and
info lead to the truth
[ Yahoo! ] options
Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo had iyo jeer haga mustaqbalka bulshada kana duwa
gefaf badan oo dhici lahaa. Hadaba in loo hagar baxaa qorista iyo diiwaan gelinta hawshani waa xil qaran .
Bahda mareegta farshaxan waxay si sharaf leh uga codsatey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka SNM, ahna
aqoonyahan ku xeel dheer dhaqaalaha,siyaasada ,iwm , mudane Ibraahim Maygaag Samater inuu la wadaago
soojireenkii halgankii dib ula soo noqoshada gobanimadii deeqda loo bixiyey ee wadanka Somaliland .Ka dib
markii Bahda mareegta farshaxan la yeelatay xidhiidh telefoon ,wuxuu si hagar la’aaneed Mudane Ibraahim
ugu soo diray qoraalkan taariikhgalka ah isagoo kaga waramaya halgankaa . Waxaanu mudane Ibraahin
(Ilaahay ha ka abaal mariyee) ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

A Short Summary of SNM History:

Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti
go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga
dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba jooga oo
marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay.

Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu jiray baraarug, dareen, garasho
nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay u doodaan, wax isu tusaan, isu
aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan. Waxa lama huraan ahaa in waxaas oo dhanoo socda,
haddana sirta laga qarsado nidaamkii jiray. Taasaa keentay habka xidhiidhka reernimada.

Xidhiidhkaasi gudaha iyo dibeddaba wuu ka socday. Dibedda ayaa, sida la garan karo, u gacan bannaanayd.
Waxaa dadkii qurba-joogga ahaa bilaabeen lajnado, gaar ahaan dalalka carabta iyo Ingriiska. Kuwii gudaha
joogayna xidhiidho hoose oo qarsoodiya ayey lahaayeen: heer saraakiil, heer dhallinyaro aqoonyahan ah iyo
heer siyaasiyiinta maamulka ku jirtay qaarkood. Intuba dadweynaha magaalooyinkii degaanka joogay
(odayaal iyo wax garadba) xidhiidh bay la lahaayeen. Intaasoo hawl ahna waa in la asturaa. Markii ay arrintu
heer gaadhay waa lala oggolaa inay dadkii dibeddu ku dhawaaqaan dhaqdhaqaaqa. Aniga iyo rag kale oo ay
ka midyihiin Ismaaciil Cali Abokor iyo Axmed Siilaanyo waxaan ka mid ahayn raggii iyagoo dowlad ku-sheegga
ku jira, hawlahaa aan soo tilmaameyn gacan ku lahaa.

Muddo ka bacdi waxa ii Caddaatay inaan labada arrin (dawlad ka dhex muuqo, hoostana abaabul liddi ku ah
ka mid ahaw) la isku wadi Karin. Waxa iyana aad u caaddatay in qof daacad ahi dawladdaa ku sii jiri Karin.
Haddii qofka daacadda ahi intii hore is lahaa wixii adigu aad tari karto fal, illeyn dalka waa la wada leeyahaye,
dembina ka fogow, waxa aad u muuqatay markan, in ku-sii-jirka dowladda laftiisu dembi noqon karo. Anigu
markaa waxan ahaa qofkii ugu horreeyey ee, isagoon la eryin, meeshiina laga beddelin, is casiley oo ka tegey.
Waxan marmarsiinyo ka dhigtay ilmo iga xanuunsanayey oo aan dalbaday safiirnimo.

Aniga oo safiir ka ah dalkii markaa la odhan jiray Jarmalka Galbeed ayaa lagu dhawaaqay asaaskii SNM. Bil
dabadeedna shaqadii dowladda ayaan iska casiley oo aan reerkaygii u raray dalka Mareykanka, halkaasoo
aan ahaa qofkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee dalbaday magan gelyo siyaasadeed -Political Refugee.
[Laba nin oo reer koonfur ah oo iga horreeyey waxay mareen sharci kale, iyagoo safiirro ka ahaan jiray
Mareykan].

Muddo yar dabadeed dadkii abaabulka gudaha ku jiray waxa u muuqatay inay lama huraan tahay in saraakiil
loo saaro Itoobiya, si halganku ugu gudbo marxaladda dagaalka hubeysan. Sababo taariikhi ah ayaa go’aakaa
qasbay. Waa tii horraantii 1982 kii dhallinyaradii U.F.O la xidhay, xukumay, dabadeedna loo taxaabay jeelasha
koonfur. Waa tii dhacdadaasi hurisay gadoodkii dhagaxtuurka ee magaalada Hargeysa.Waxa kale oo isla
waqtigaas sii kordhay cadaadiskii ciidamada talisku ku hayey ummadda, kaasoo aan ku koobnayn
magaalooyinka laakiin miyigana, siiba koonfurta iyo galbeedka Hargeysa, ay dhib weyn ku hayeen jabhadii
talisku sheeganayey inuu u hubeeyey xoreynta Soomaali Galbeed ee aan dadka reer woqooyigu ku jirin. Isla
waayhaas waxa kululaaday isku horimadkii dowladd iyo jabhadda SSDF, ee iyana aan dadka reer woqooyigu
ku jirin, oo soohdimaha Somalilandna saldhigyo ku lahayd.

Arrimahaas oo dhammi waxay muujiyeen haddaan dhaqdhaqaaqii SNM isu beddelin halgan hubeysan in
dadkeedii ku jiriyo ‘irmaan oodan’ oo aan isdifaac lahayn, sahalna ka dhigaya wax kasta oo lala damco.
Itoobiyana, dabcan waxay ahayd halka keliya ee hawsha caynkaas ah laga bilaabi karo. Labaadii sarkaal ee
ugu horreeyey ee tallaabay waxay ahayeen, Allah ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Sh. Maxamed, oo ku
magic dheer Aadan Shiine, iyo Mujaahid Axmed Dhagax. Waxa ku xigay, Allah ha u naxariistee, Mujaahid
Maxamed Cali. Waxa ku xigay Mujaahid Maxamed Kaahin, oo maanta ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye.
Intaa wixii ka dambeeyey way iska daba qulqulayeen saraakiisha baxaysay. Mana ahayn wax qof walba
goonidii ugu dhashay. Bal wuxuu ahaa arrin qorsheysan oo uu habeeyey unuggii saraakiisha ee gudaha, kuna
gacan qabteen xidhiidhadii kale ee dadweynaha, siyaasiyiin iyo dhallinyaraba lahaa, ee aan hore u soo
sheegayey.

Markii saraakiishu tallowday, dowladdii Itoobiya ee markaa jirtay way soo dhoweeysay. Waxa ay se ka fileysay
inay ku biiraan SSDF oo ahaa ururkii uga horreeyey Itoobiya, taliskii Siyaad Barrena ka horjeeday. Saraakiishii
baxday waxay ku wargeliyeen nidaamkii Itoobiya inay ka tirsanyihiin urur kale oo la yidhaa SNM, kuna
qanciyeen in madaxdooda siyaasadeed ee London joogta loo gudbiyo fasaxii soo gelitaanka Itoobiya. Sidaa
ayaa lajnadii London degganayd ugu soo guurtay Itoobiya, labadii waaxood ee dhaqdhaqaaquna( waaxdii
gudaha iyo tii debeddu) isku soo kabmeen, iyadoo mid waliba leedahay taageerayaasheeda. Dabcan
dhismahoodu wuu kala duwanaa, iyadoo ay kallifeyso mid walba duruufaheedo. Waaxda debeddu sii fiican bay
ugu habeeysnaayeen guddiyo—dalalka Gacanka Carbeed. Ta guduhu se waxay ahayd unugyo sir ah oo hoos
ahaan u xidhiidha.

Guddigii London ka yimid waxa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Cabdi(Duqsi ku magac dheer) oo Allah ha u
naxariistii halgankii gobanimadoonka, xisbigii SNL, qayb Libaax ka soo qaatay, Siyaad Barre ka horna Wasiir
ahaan jiray; Allah ha u naxariistee, Xasan Aadan Wadaadiid, Xasan Ciise Jaamac; Maxamed Xaashi Cilmi;
Mohamed Axmed Jaamac(Dableh). Shirweynihii ugu horreeyey ee si buuxda labada waxood ee dhaqdhaqaaqu
isugu yimaadeen waxaa lagu qabtay magaalada Herer(Adari), Itoobiya, horraantii 1983 kii(qiyaasihii bisha
March). Halkaa waxa Guddoomiye loogu doortay, Allah ha u naxariistee, Sheikh Yusuf Cali Sheekh Madar,
Xasan Aadan Wadaadiidna Guddoomiye ku-xi geen. Waxa xubnaha Guddiga Fulinta (Executive Committee) ka
mid ahaa Axmed Ismaacil Cabdi (Dugsi), Xasan Ciisa Jaamac, iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa kale oo
shirweynahaa lagu unkay Golahii Dhexe ee SNM(Central Committee) oo saraakiisha qayb gaar ah ilaa (13)
laga siiyey. Iyaga iyo dhallintii mutacallimiinta ahaa ee gudaha ka soo baxay waxa la qaabbilsiiyey abaabulka
dadweynaha iyo dagaalka jiidaha, halka guddiga sarena qaabbilsanaa siyaasadda debedda iyo xidhiidhkii
laamaha dhaqaalaha soo dirayey. Waxda dagaalka waxa hormood u ahaa, Allah ha naxariistee, Mujaahid
Maxamed Xaashi(ku magic dheer Lixle). Halkaas ayuu nidaamkii ugu horreeyey ee isku xidhnaa ee SNM ka
bilowday. Siyaasadda debedda iyo ta guduhuna noqdeen wax isku lamman oo aan kala tagganayn oo xitaa
xubnaha lajnada sare ay waajib ku noqotay inay ka hawlgalaan goobaha dagaalka laga bilaabayey.

Waxa nasiib wanaag ahaa, oo xusid mudan, in iyadoo marti loo yahay dowladda Itoobiya, haddana jiidda
halganku ka bilaabmay (ie. Reserved Area) aanay ahayn dal sidaa qurbe u ah, laakiin yahay meel ururka
dadkiisii deggan yahay oo uu sii hagar la’aan u marti geliyey, la dagaal galay, sahleyna xidhiidhkii gudaha ee
magaalooyinka lal sameynaayey. Waajibaadka waaweyn ee markaa la beegnaa halgankii waxa ay ahaayeen
baraarujintta dadka, gudo iyo debedba, bilowga xarumo dagaal, tababarka dhallinyarada dagaalka soo
gelaysa, ama ha ka yimaadaan gudaha amaba jiidaha ha laga qortee, iyo ka-dhaadhicinta qadiyadeena
adduunweynaha. Hawalahaa baaxadda weynoo dhanna waxay ahayd in lagu qabto qaab dimoqraadi ah---
taaso macnaheedu yahay wada-tashi iyo ka qeybgal buuxa oo dadweynuhu leeyahay. Waxay taa
macnaheedu ahaa in jiidaha dagaalka, dadka hawsha ka qayb geliyaa----hadday tahay xeryo mujaahid iyo
odayaal abaabulba--- iyagu is habeeyaan oo is-doortaan. Sidaa soo kalena laamaha debeddu iyagu
madaxdooda doortaan.Dhismaha caynkaas ahina socdo ilaa madaxda sare. Sidaa saa lagu habeeyey
dastuurkii ugu horreeyey ee SNM ee shirweynahii Herar lagu qaatay. Sidaa saa halganka dadkiisu ku yeeshay,
naftiisana u huray. Dhaxalka caynkaas ahi waa ka suurtogeliyey nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland
maanta ku dhaqmayso.

Beryahaa dhibihii cuslaa ee SNM la soo beegmay waxa ka mid ahaa cadaadis debedda kaga yimid. Dowladdii
Itoobiya ee martida loo ahaa iyo kuwii kale (Yemen iyo Liibiya) ee halganka taageerayey waxay saareen SNM
culays weyn inay ku biirto jabhaddii SSDF ee ka soo horrreysay, kana hub badnayd. SNM way ku adkaatay,
iyadoo israacii 1960kii ee degdegga-ahaa aan laga macaashin, inay haddana, iyadoo curdin ah, jiritaakeeda u
hurto is-raac kale oo aan aayatiinkiisa la garan karin, siiba marka la eego SSDF oo an ku dhaqmayn nidaam
dimoqraadiya. Sow, markaa, arrinku noqon mayo: kud ka guur oo qanjo u guur. Iyadoo ka-dhabar-adaygaysa
cadaadiskaas waxay SNM ku qancisay dowladihii inay diyaar u tahay wada-hawlgal laakiin isku-darsi iyo isku-
milan markay timaad inay si dimoqraadi ah oo aaya-ka-talin ah uga soo go’du xubnaha iyo dadweynaha
taageeraya labada urur. Sidaas ayey uga nabad gashay SNM marin-habow, sidaas ayaana asaas u ahayd la-
soo-noqoshada madax bannaanidii lagu gaadhay Burco May 1991 kii.

Dabayaaqadii 1983kii ayaa Golahii Dhexe beddelay Guddigii Fulinta ee u badnayd dadkii laamaha debedda oo
ku beddelay guddi ay hoggaamineyeen madaxdii saraakiisha ee gudaha ka soo baxay. Waxay ka koobnayd:
Marxuum Cabdulqaadir Kosaar(Guddoomiye), Marxuum Aadan Shiine (Guddoomiye ku-xigeen), Maxamed
Kaahin Axmed (Xoghayaha-Guud), Xasan Ciise Jaamac (Ku-Xigeen Xoghaya-Guud) oo isugu ka mid ahaa
lajnaddii London. Ciidamada waxa qaabbilsanaa guddi dagaal-gelin oo ay ka mid ahaayeen: Marxuum Lixle,
Cabdillahi Askar, Marxuum Aadan Salebaan, Marxuum Ibraahim Koodbuur iyo Xasan Yoonis Habbane.

Mudda yar dabadeed waxa waayo-araggu aad ugu caddeeyey madaxdii SNM wax awelba u muuqday: kasoo
ah in halganku yahay mid siyaasadeed laakin adeegsanaya dagaalka hubeysan. Waxay xaqiiqadaasi ku
qancisay in hawsha labada dhinacba aan la askariyeyn. Sidaa darteed ayaa saraakiishii markaa madax ahaa
go’aans deen in hoggannka siyaasadeed ay dib ugu celiyaan madax siyaasadeed oo dadweynuhu doorto,
meel kasta ha ka yimaadane. Waxa qanqaabadiisa la galay shirweyne ballaadhan oo meel walba
taageerayaasha ururku isaga yimaadaan (jiidaha dagaalka, dalka gudihiisa iyo laamaha debeddaba)

Intii hawlahaasi socdeen anoo deggan gobolka kaalifoornia (California), oo macallin iyo ardayba ka ah, xidhiidh
joogta ah ayaan noo dhexeeyey laamahii debedda iyo madaxdii saaxaddaba. Waxan diyaarinayey sidii SNM
farac ugu yeelan lahayd USA & Kanada (North America). Faraca London oo hore u dhisnaa waxay Guddoomiye
u doorteen Axmed Maxamed Siilaanyo, oo 1982 kii ka soo baxay dowladdii Muqdisho. Isaga iyo aniga ayaa isa
soo raacnay si aan uga qayb galno shirweynaha. Warqadda fasaxa dal-galka (visa) markii aan ka
qaadanaynay Safaaradda Itoobiya, London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh: (i) waa mar eh
dadkeenna iyo jaarkeenna Itoobiya waxa ka dhaxaysay colaad guun ah oo uu abuuray gumeysigii Yurub; (ii)
waa laba eh waxa raadkiisu qoyanaa dagaalkii 1977-78 ee labada dal dhex maray, aniga iyo Axmedna annu
waqtigaas wasiirro ka ahayn dowladda Soomaaliyeed; (iii) isla markii hadana halgankaannu xubno iyo
madaxba ka ahayn waa ka go’aanka ku gaadhay inay lama huraan tahay in Itoobiya la tago, iyana, dan
kastaba ha la haatee, waa ta gacmo furan innagu soo dhoweysay. Halkaa waxa ka iftiimayey bildhaan dariiq
cusub oo uu mari doono xidhiidhka labada dal iyo labada ummadood. Waqtigaas isaga ah waxa duugga
dariiqaasi noqon doono cid sii garan karaysay ma jirin. Waayo, bani-aadmigu mustaqbalka, male mooyee,
hubaal uma sheegi karo. Marxaladda la joogo talada kula toosan baa lagu dhaqaaqaa, duco lagu daraa,
rajona aan laga quusan. Xidhiidhkaas halganka iyo Itoobiya wuxu sahlay ka guuleysiga taliskii Siyaad Barre;
wuxuuna gun-dhig u noqday xidhiidhka fiican ee manta dhex yaalla iyada iyo Somaliland. Itoobiya dhinaceeda
waa ta soo dhoweysay, waxna la qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ka qaxay qaraxii dagaallada marka hore
geesti woqooyiga, markii dambana dhinaca koonfurta ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waxa weli gacan uur
ku jirto ah waxa uu ku dambayn doono doorka ay Itoobiya ka ciyaarayso xaajada koonfureed ee qasan.

Shirweynahii loo ballan sanaa waxa la qabtay August 1984. Waxa lagu dhammaystiray shirweynahaas, oo aan
shir-guddoonshe ka ahaa, dastuurkii SNM iyo barnaamijkeeda. Waxa la doortay Gole Dhexe iyo Guddoomiye
cusub, taasoo caado noqotay in shirweyne walba sida la yeelo. Waxa Guddoomiyaha cusubi ahaa Axmed
Siilaanyo, Guddoomiye-ku Xigeenna waxa, isagoo weli Roma ku maqan, loo doortay Cali Maxamed Wardhiigley
(Hawiye, Murursade). Shirweynahanu wuxu kaga duwanaa kuwii hore ka soo qaybgalka taageerayaal aan
Isaaq ahayn, siiba Beelaha ku abtirsada Hawiye iyo dirka. Waxay taasi ku suurtowday iyada oo SNM hawl
weyn u gashay inay halganka gaadhsiisu dadweyne aan Isaaq ahayn, oo ay xarumo badan oo dagaal ka
furatay koonfurta, gaar ahaan gobollada dhexe iyo kuwa aad ba u sii jira geesta koonfureed. Dadadaalkaa
loogu jiray inaan SNM ku koobnaan Isaaq wuxu ahaa mid soo taxan. Laamaha debeddu u may yaraysan la
xidhiidhka beelaha kale. Sidoo kale qaybtayadii guduhu dadaal weyn ayaa loo galay arrin taasi, weliba
beelaha la wadaagu woqooyinimada. Ha yeeshee, nidaamkii taliska oo ku dhisnaa qaybi-oo-xukun (Divide and
Rule) iyo awoodiisa badan (maal, siyaasad iyo xoogba), iyo sir ahaantii hawsha loo waday, waxay ka dhigeen
hawshii mid aan midho badan dhalin. Waxa kaliya oo lagu guuleystay waxay noqotay in xarumihii dagaalka ee
laga furay koonfurta inay ku soo hirtaan beelaha qaar caddibnaa oo ay ka midyihiin beelaha dirka iyo kuwa
Hawiye qaarkood.

Go’aannada kale oo shirweynahaa la gaadhay waxa ka mid ahaa iyada oo la joojiyey-qaybta soocan ee
saraakiishu ku lahaayeen Golaha Dhexe. Waxa la gartay inaan qofna derejadii uu kala yimid taliskii Siyaad
Barre SNM gudaheeda derejo kaga doonin: hadduu ahaan jiray wasiir iyo hadduu ahaan jiray sarkaalba.
Halkan qof waliba innu yahay mujihaad, derejada halganka dhexdiisa uu ka haystaana ay tahay xilka markaa
loo dhiibo. Waxa kale oo la magacaabay wakiillo Golaha Dhexe ka mid ah oo qaabbilsan laamaha debedda.
Aniga waxa la ii magacaabay Wakiilka Golaha Dhexee ee woqooyiga Ameerika (North America); Ismaaciil
Maxamuud Hurre (Buubaa) wakiilka laamaha Sucuudiga; Cali Warsamana wakiilka laamaha khaliijka
(Imaaraadka). Isla markii laan waliba waxaya u madaxbannaanayd inay doorato guddigeeda iyo
guddoomiyaheeda gaarka ah.

Guddoomiyihii cusbaa guddidiisa fulinta wuxu ku daray, midnimada iyo wadajirka darteed, guddoomiyayaashi
ka horreeyey. Marxuum Sheekh Yusuf Cali Sheekh Madar wuxu u magacaabay la taliyahiisa siyaasadda,
Marxuum Cabdulqaadir Koosaarna lataliyaha dhinaca dagaalka. Ciidamada laftooda waxa madax looga dhigay
Marxuum Aadan Shiine. Talada Caynkaas ahi waxay dhidibbada u aastay dimoqraadiyadda SNM iyo in
madaxda la beddelaaba ta ka dambaysa ay garab gasho halkay kaga bilaabi lahayd fadqalalo. Waxay noqotay
dhaxal qiimo weyn ku fadhiya, Somali landna ilaa hadda ay ka dhigatay tilmaan.

Shirweynahaa dabadii SNM waxa u bilaabmay hawlo waaweyn.

i- Waxa ka mid ahaa hawlahaas dejinta nidaam maamul oo daakhiliya. Iyadoo la hirgelinayo dastuurka
dimuqraadiga ee SNM waxa la isku deyey in nidaam maamul oo isku xidha min goobta dagaalka ilaa laanta
debedda la dhagan geliyo. Hawshaa baaxadda leh waxna waa ka hirgaleen, waxna wey suurtoobi waayeen.
Waxa hirgalay wada jirkii, midnimadii iyo hawlaha had iyo jeer loo wado si wada tashi iyo dimoqraadi ah. Waxa
suurtoobi waayey in ciidamadii la isku dhafo oo laga saaro beel-beelnimada. Dadaalku ma yarayn. Dhallinta
ciidamada soo geliya waxa la siin jiray tababar mideysan. Waxa weliba la iska deyey, ilaa bilowgiibaa, in loo
kala beddelo meelo aan ahayn halkay u dhasheen, si loo helo ciidan halgan oo ka xoreysan beelnimada. Ha
yeeshee dadaalkaa ka sokow, danbaa run sheegtay. Mujaahidiinta ururku mushahar uma hayo, dadkaa
masruufa. Adiga oo aan waxba siin ayey naftooda u hureen inay ku dhintaan dagaalka. Markaa halka ay kab
ay gashadaan ama go’ay huwadaan ka helayaan lagama celin karo. Halkaasina waa halka ehelka ugu dhowi
joogo. Lama huraan waa cows jilaal, danina waa seeto ayuu yidhi Ducaale Suldaan.


ii- Hawsha labaad, oo horeba loo waday, waxay ahayeed in la ballaadhinayo siyaasadda debedda, si ururku u
yeesho cod la maqlo iyo carrab la dhegeysto. Idaacaddii Halgan, ee ku tiil Addis Ababa ee aan la wadaagi
jirnay SSDF ka sokow, waxa la xoojiyey fiidinta, iyo baahinta iyo xoojinta laamaha debedda ee Ururka ku
abtirsada. Intii horee jirtay waxa ku kordhay laamo cusub oo caasimadaha Yurub badankooda taageerayaashii
Ururka ee degganaa ka fureen xafiisyo. Laamahaasoo dhan waxa laga hirgelinayey baahinta ujeeddada
dagaalka, kashifidda ficillada foosha xun ee taliskii jirey kula dhaqmayey ummadda, baraarujinta dadka qurba-
joogga ah, fududeynta si ay dalkaa ay joogaan, iyo ugu dambeyn in dhaqaale loo ururiyo dagaalka, haddii ay
kallifto sirba ha ahaadee. Hawshaas siyaasadda debedda heer aad u wanaagsa oo midho dhala ayey
yeelatay. Magaalooyinka London iyo Washington waxa ka soo bixi jiray joornaalo joogto ah, waxa xidhiidh lala
yeeshay dowladihii shiisheeye ilaayoo la gaadhay dabaayadadii 1988kii in dowladihii taageeri jiray taliska,
siiba ta Mareykanku ka gooyaan kaalmadii.

iii- Hawsha saddexaad ee Ururku u guntaday muddooyinkaas waxay ahayd, dabcan, baahinta dagaalka
hubeysan, taasoo laba dhinac leh. Dhinac waa baahinta jiidaha dagaalka, dhinacna waa kobcinta dhumucdiisa
(breadth and depth of the armed struggle). Geesta baahinta waa tii horeba loo sii faafiyey. Markanse waxa la
is yidhi aad u weyneeya dagaalka koonfurta si aan dadka Isaaqa ahi ugu keliyeysan. Runti se, dhinaca
Jubbada Sare (Baarrey), Beesha Dirka, oo aan laftaydu muddo joogay ka sokow, baahinta dagaalku geesaha
kale way kici kari wayday ilaa waa dambe.

Waxa dan noqotay, markaa, inaan la filqin awoodda yar, dad iyo maalba, ee aad haysato, oo aad ku
dadaasho kordhinta dhumucda halka aad wax ka tari karto oo ah geesta woqooyiga. Tab iyo xeesha(strategy
and tactics) waxay isugu jirtay dagaalka gaadmada kooxaha ah iyo mid fool-ka-fool ah ba (combination of hit
and run guerilla actions as well as some conventional operations). Dagaalka kooxuhu miyi iyo magaallabo wuu
lahaa. Waa la xusuustaa hawlahii ay ka midka ahaayeen madax-furashadii maxaabiista ‘Mandera’ ee dhawrka
jeer ahayd iyo dagaalladii baaxadda weynaa ee lagu qaadi jiray ciidamada taliska ee fadhiya xuduudda.
Waxay ujeeddadu ahayd in la wiiqo awoodda cadowga dhinac ciidan, isla markiina cabsi lagu geliyo nafsadda
(morale) dadka u dagaallamaya amaba si kale ugu adeegaya, la xoojiyo dhiirranida kuwa halganka
taageeraya, ilaa inta la gaadheyo dhirbaaxada kama dambaysta ee is-hambo raacinaysa. Gudo-gaalka
‘October-November’ 1984 ee saddax hawlood oo is-daba taxan lagaga galay galbeedka Hargeysa, buuraha
Sheekh, iyo bariga Barco, oo taliska ku noqday naxdin iyo werwer, ciidamadiisiina wiiqay, wuxu ahaa tababar
ama tijaabo loo sii qaadanayo dhirbaaxadaas u dambaysa. Hawlo badan oo baxaddaas leh oo ay ka mid
ahayeen hawlgalkii Hargeysa lagu qaaday madaxda ciidamada amaanka (Axmed Aadan iyo la taliyaashii),
markaasoo aan ku-meelgaadh ahaan sii ahaa guddoomiye, ayaa muddo dheer socday ilaayoo uu ka soo galay
waqtigii shirweynuhu.

Shirkan damba waxa la qabtay horraantii 1987kii, oo Axmed Siilanyo loogu celiyey xilkii guddoomiyaha.
Waqtigaas wuxu talisku laba jibbaaray cadaadiskii uu ku hayey dadka gudaha, siiba magaalooyinka waaweyn
oo uu ku soo rogay bando joogto ah. Waxay socotoba, horraantii 1988kii waa tii heshiisku dhex maray labadii
talis ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ay Jabuuti dhex-dhexaadisay. Heshiiskaas waxay labada talis isu
ballan qaadeen in midna ka kale jabhad ka soo horjeedda aanu gacan siin. Siyaad Barre wuxu mooday in
halkaas uu kaga dhammaanayo dagaalkii SNM (iyadoo SSDF muddo ka horba ay shiiqday), dadkeennii
gudahana waxay ku noqotay arrin naxdin leh.

Heshiiskaas labada talis dhex maray colkayagii halganka ku guda jiray kumuu noqon fajiciso. Waannu la
soconay saadaasha. Waana loo sii diyaar ahaa. Itoobiya waxay naga codsatay in 15km xaggeeda ciidamada
SNM loo soo celiyo. Fursaddaas iyadoo laga faa’iidaysanayo waa tii la isku shubay gudaha. Anigu markaa
waxan ku soo noqday hawshaydii ahayd laanta Ameerika. Go’aankaa la qaatay khammaarkiisa wuu laha,
waayo xooggeenna iyo ka cadowgu wax isu dhigmayey ma ahayn. Laakiin halkii halganku ka bakhtiyi lahaa
waxa laga doorbiday in la badheedho oo gebigiisaba loo wareejiyo gudaha dalka. Jawaabtii taliska iyo wixii ka
dhashayna waa la ogaa oo faafaahin uma baahna. Halganka waxay u noqotay macaash weyn. Halki awel SNM
ka ahayd wax yaroo kooban, ummaddii gudaha ee soo qaxday oo dhan baa hawshii si buuxda uga qayb
gashay. Markan waxay noqotay in dagaalku xadka, buuraha, magaalooyinka hareerahooda ilaa badda, waa
meel walba eh, uu ka socdo. Waxay dhalisay in taliskii woqooyiga aanu xukumi karin, koonfurna, ilaa magaalo
madaxda, dhaqaalihiisii, siyaasaddiisii iyo nidaam kiisaba khalkhal galo. Waa ta dad badan oo awel aan
dhiirran jirin ay dhaqdhaaqeen. Waa ta ay saaxadda dagaalka ku soo biireen ururro kale oo reer koonfureed
sida USC iyo SPM, halgankiina aanu maanta keli ku noqon SNM.

Waxaad i weydiiseen maalinta ay iigu naxdin weyneyd iyo maalinta iigu farxadda badneyd labadaba. Ogaada
marka hore ayaamaha caynkaasa labada noocba, aad bay u badnaayeen oo lama koobi karo. Halgankan mar
aad faraxdo, mar aad qososho iyo mar aad naxdaaba way ku soo marayaan, oo beryo dhanbaa adiga iyo
hurdo is-waayeysaan. Haddaanse mitaal soo qaato waxa jiray mar ay naxdinta iyo farxadduba igu kulmeen.
Waa horraantii 1989kii. Faqashtii waxay ku guuleystay inay ciidamadeennii qaybta Hargeysa xadka Itoobiya ku
soo celiso. Waa markii ugu horreysay ee ciidankeenna ku-dhaca dagaalka (creative initiative) lagala wareego
oo la eryado. Shacbigii wuxuu wadhan yahay xeryaha qaxootiga iyo jiidaha miyiga. Waxa waajib noqotay in
abaabul ballaadhan iyo weerarro cusub la qaado si loo waabiyo, horana loogu sii socdo. Mar goob-dagaal
(battle) laga soo noqday ayaan booqday halkii xannaanada dhaawaca. Waxan halkaa kula kulmay dhallintii
aan laftaydu cishooyin ka hor soo kiciyey oo qaar badani dhaawac yihiin, qaarna shahiideen. Waad garan
kartaan dareenkayga sida uu ahaa iyada oo ay weliba waajib tahay in inta hadhayna qalbiga loo adkeeyo.
Galabtii furanay idaacadda Raadiyaha BBC. Waa war weyn oo farxad leh. Dagaalyahanno aannu bilow ka hor
xeebaha u dhaadhicinay iyo dadweynaha jiidahaasi waa kuwa dagaallo culus galay: geesta galbeed qabsaday
Saylac iyo Lowyacaddo; geesta barina Maydh iyo Xiis. Waa ta Faqashtii, illayn baddii loo weydaaraye,
magaalooyinkii dib-ugu-guratay. Wixii noo hadhaabaa waa eryo, hambadana salabee.

Sannadkaas 1989 waa markii koonfurna dhaqdhaqaaqa diidmada talisku xoogeystay. Mudaharaadyada
masaajidada iyo suuqyadaba laga dhigay. Xitaa odayadii hore oo uu Madax u yahay Dr. Ismaaciil Jimcaale,
waa kuwa bilaabay xarakaddii la magac baxday ‘Manifesto’ ee ku dhiirratay inay Siyaad Barre ku tidhaa
xukunka si nabadgelyo ah uga deg intaan daadku ku qaadin. Isna waa ka sii kordhiyey xadhigga iyo
cadaadiska, xeebta Jasiirana dhallinyarada ku laayey. SNM waxay kaga jawabtay arrimahaas xoojinta
dagaalka hubeysan iyo ka dibloomaasiga ahba. Waa ta is-bahaysi la yeelatay USC iyo SPM, oo ay u
suurogashay inay dagaalka manta ka holciso oo ku wareejiso koonfurta. Intaasoo dhammi iyada oo ay
socdaan, inna soo gudagel waqtigii shirweynahii caadiga ahaa (kaasoo la qaban jiray 3 dii sannadoodba mar).
Markan waxa lagu qabtay magaalo dalka ah oo xoreynsa—Balli gubadle. Waa March 1990kii. Waxa
Guddoomiye loo doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Anna waxa Golaha Dhexe ee doortay
guddoomiyahooda. Hadda ka hor labadaa xil waxa isku hayey hal qof. Waxa la ahaa jabhad dagaal ku jirto oo
intii awoodda la ururin karo u baahan. Immika oo neecawdii xorriyaddu inna hayso waxa la yaqiinsaday inay
lama huraan tahay in la kala fujiy labada awoodood ee kala ah sharci-dejinta iyo maamul-fulinta. Go’oanka
kalee qiimaha weyn leh ee shirweynahaa la gaadhay wuxuun ahaa iyadoo Guurtidii odayada loo aqoonsaday
inuu yahay Gole dastuuri ah.

Sheekadii waa inoo dhammaad, xoreyntiina in yar baa ka hadhay. Aan ku yara hakado haddaba arrinta
guurtida. Bilowgiiba SNM dhaqdhaqaadeedu wuxu ahaa mid dimoqraadiya, talada dadkana ku dhisan. Sidaa
darteedna doorka odayada beeluhu noqoy mid lama huraan ah. Waxay taasi si weyn u sii muuqatay markii la
bilaabay dagaalka hubeysan oo u baahan ciidan ururin, maal ururin, taageerada iyo ku dhex dhuumashada
dadweynaha. Waxa kale oo qofkii fekerayey u muuqatay in halganku u baahan yahay dhismo laba dhinac leh
oo si waxtar ah isu kaaba: dhinaca siyaasadda casriga ah (modern politics), iyo dhinaca hiddaha dhismaha
beelaha (traditional clan structure). Dhowr goor ayaa la isku deyey in odayada beelaha loo sameeyo nidaam
habaysan. Tijaabadii hore waxay ahay horran tii 1983 oo la sameeyey Guurti Isaaq. Tii labaadna waxay ahayd
May, 1985 oo Beelaha Isaaqo ku yeesheen shir tuulada Rabaso. Anoo guddoomiyaha Ururka wakiil ka ah
ayaan shirkaa gacan qabashadiisa oday ka ahaa, halkaasoo iyana guddi kale lagu doortay.

Labadaa tijaababa, in kastoo laga faa’iideystay, haddana may hana qaadin. Sababtoo ah iyadoo dowlad kale
marti loo yahay, oo odayada u aragta dadkeedii rayidka ahaa, iyo iyadoo odayadii talada beelaha miisaanka
culus ku lahaa weli ku jiraan dalka gudihiisa, taliskii cadowga ahaa hoostiisa. Waxay arrintu innoo hirgashay
1988kii markii dadweynahii magaalooyinku soo qaxay. Waa kuwa odayadii Beesha Isaaqu sannadkaas ku
shiray tuulada Caddaroosh, oo ku taal dhinaca koonfur-galbeed ee Hargeysa, iskood isu habeey oo abuuray
Golaha Guurtida, Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yusuf Sheekh Madarna Guddoomiye u doortay. Waxay
odayadu u xeyteen si awoodda dadka oo dhan loogu leylyo halganka hubeysan oo ummadduna dhaqso ugu
guryo hoyato. Waxay SNM u arkayeen odayadu dowladdoodii ay waxay soo qabtaanba u hurayeen,
amarkeedana u hoggaansanaayeen, isla markaana ay nabadda beelaha kale lala leeyahay iyo sida wax loo
wada qabsanyo raadiyaan. Rag aan ku jiraa waxannu ka dhaadhicineynay odayada inay, intaa hore ka sokow,
xubnaha SNM u arkaan ilmahoodii u adeegayey, iyaguna odayaal ahaan qayb weyn ku leeyihiin halka
dowladnimadu ka soo unkamayso. Sidaas ayey ku asaasmeen laba gole, oo dastuuri ah oo siman—Golahii
Dhexe ee SNM iyo Golaha Guurtiga—taladana wadaaga. Waa aragtaan in dhaxal kaasi gun-dhig u noqday
dhismaha dimoqraadiyadda ee maanta ka jira Somaliland.

Ugu dambeyntii aan wax yar ka idhaahdo xaaladdii dagaallada sokooye ee xoreynta dabadeed, dadka qaarna
ay sabab uga dhigaan khilaaf dhex yaallay SNM. Lama dafiro karo in khilaaf SNM dhex yaalay. Waa wax cilmi
ah, oo ninkii aqoon lehiba garan karo, in marka xisbi ama urur keliyihi jiro in afkaarta kala duwan, tartanka ka
sokow, ee caadi ahaan qaadan lahayd qaabka axsaabta kala duwan, ay iska dhex cabbirayso xisbigaas ama
ururkaas dhexdiisa. SNM arrintaa waxay ku sixi jirtay doodda dimoqraadiga ee dhex tiil, taasoo ay kaga nabad
gashay isku dhac gudaheeda yimaadda intii halganku socday, sida ku dhacda jabhadu badan, haddaad
taariikhda adduunka eegto.

Taa ka sokow waxa jiray sababo kale oo murgiyey arrinta, waxaana ka mid ahaa:
i- Ciidamada xoreynta SNM oo, si kasta oo la isugu deyey in la isku dhafo, danta halganka iyo dhismo-
bulsheedka (social structure) dadweynuhu ku kallifay inay qaab reer-reer ah u habeysmaan.


ii- Isla markii, haddana mujaahidiintii u darbanaa mabda’a SNM, waayo arag halganna lahaa, qaabka
reernimadana xidhiidhka dhexdoodu kala mudnaa, waxay badankoodii ku shahiideen gudagalkii 1988 ee
nafhurka ahaa. Waxay inta badan dadku illooban in waqtigaa dabadii SNM tii halganka wadday aanay ahayn
tii 1988 ka hor, marka laga reebo in yar oo madaxa, sida Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo xayn yaroo
saraakiil ah oo ka soo nabad baxay dagaalkaa gudagalka. Sidaan horeba u soo sheegay, waqtigaa dabadii
baaxadda halganka dadkii waday—ciidamo, saraakiil iyo odayaalba—waxay ahaan ummaddii soo baxdey 1988
oo magaca SNM huwan.


iii- Inta waxa dheer dad badanoo Isaaqa ( Beelaha kale bal daayoo) oo halganka SNM debedda ka joogay oo
xoreynta dabadeed doorkooda siyaasadeed ciyaaraya.


iv- Sideedabana dabeecadaha halgan xoreyn ama gobanimadoon, sida laga bartay taariikhda adduunka, waxa
ka mid ah in marka cadowgu ku horjoogu midnimada guduhu xoog leedahay; marka cadowga laga adkaadana
ay soo ifbaxaan danahii gudaha iyo afkaartii kala duwaneyd oo keena khilaaf siyaasadeed. Khilaafkaa
siyaasadeed mar wuxu noqdaa midfudud oo lagu toossin karo wada hadal talo-wadaag (democratic dialogue).
Marna wuxu noqon karaa mid ba’an oo loo maaro waayo.

Marka intaasoo sababood la isku daro waa la fahmi karaa in isku dhacii sokeeye ee xoreynta ka dib aan loo
aanayn karin khilaaf siyaasadeed oo madax SNM dhexyaallay oo keliya, bal loo aanayn karo tababarka
siyaasadeed ee ummaddeennu marayso oo aan weli ka xoroobin dhismo-bulsheedkii reer guuraanimada,
siyaasadda casriga sida la isu waafajiyaana ay kacaankufkeeda leedahay. Haddii sababto khilaaf SNM oo
keliya ahayd maxaa keenay isku-dhacii dambe (1995-1997) ee ka qallafsanaa kii hore, iyadoo SNM aanay
jirinba, xukunkana wareejisay 1993 kii?

Labada isku dhacna wax lagu xallilay nidaamkii talo-wadaagga iyo doodad lahaa ee SNM dhaxal u reebtay,
hiddanheenna dhinaciisa wanaagsaanna waafaqsan. Taariikhda kumaan maqal jabhad dagaal hubeysa
xoreynta ku gaadhay oo, iyadoon xoog lagaga qaadin, xukunka wareejisay sida SNM. Ha jirto in SNM ku
guuleysan weyday inay muddadii halganka nidaam adag oo kala-dambeyn leh dhisto, sababo badan, oo
qaarkood aan soo sheegay awgood. Dhalliishaa waxa barbar taalla hadii ay sidaas ku guuleysato inay
suurogal ahaan lahayd inay xukunka ku dhigto oo, beryo dabadeed loo baahdo in la iska xoreeyo, sida ku
dhacda dalalkii xisbi ama jabhad keliyahi talada haysteen. Waxay ila tahay in dhaxalkan ay reebtay ee manta
Somaliland ku caano-malaysaa ugu roon yahay aayo-tiinka dambeeto ee koritaanka ummadda.

Waxaa soo diyaariyay
Professor Ibrahim Maygaag Samatar
Tokyo, Japan.
________________________________________________________________________________________

Hadaanu nahay bahda mareegta farsahan waxaa naga xusuus ah :

Sida la wada ogsoon yahay waxaa xubnaha xisbigii SNL ku jiray dad aqoon u leh halgankii dheeraa ee
ummada Somaliland u soo gashay xoriyadii 1960kii,dibna loola soo noqday 1991kii ,hadana iyagoo intooda
badani noolaa ayaan la hayn buugag ay ku qoran tahay taariikhdii saddexdaa xisbi (SNL,USP,iyo NUF).

-Akhristoow maxaad u malaynaysaa sababta ?
-Dadka halgankaa galay ma noolaayeen markii dawladihii kala danbeeyey
qalinka kala maageen sooyaalkaa?
-Maxaad ka filaysaa halganadii ka danbeeyey keenay dib ula soo
noqoshadeedana ?  
"Taariikhdii SNM oo kooban" Soo diyaariye Professor Ibrahim Maygaag
Samatar .
Professor Ibrahim Maygaag Samatar  — Tokyo, Japan — Tuesday Febauryo, 2008
Boga Fikradaha
Opinion Page
___________________

Spy master and his
( NSS ) War Criminal
colleagues.
Yusuf Abdilahi Janaale
— Oslo, Norway — 12
October, 2006
_______________________
Gabay ayaa ku cabiray
sida aan dareen
sanahay qadiyada:
Sheekh Maxamed
Sheekh Ismaaciil.
_______________________
Halkee lagu iloobay
danbiyada laga galay
Shiyuukhda? Warsame
Axmed Cabdilahi —
Seattle, WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
KULMIYE Iyo
Jawaanow Intaa Waa
La Idiinka Han
Weynaa.   Ali Gulaid —
San Jose, CA, USA —
08 October, 2006
_______________________
MAXAY KU KALA
DUWAN YIHIIN
CULIMADA SOMALIA
IYO SOMALILAND?
Osman Omar Dool  —
Oslo Norway. — 13
October, 2006
_______________________
Baaq ay soo Saareen
Dhallinyaro Reer
Ceerigaabo ah
Dhalin-Yarada Reer
Ceeri-Gaabo — Ceeri
Gaabo, Sanaag. — 13
October, 2006
_______________________
Xukuumaddeenuna Ma
Naafay Noqotay?
Prof. Cabdisalaam
Yaasiin Maxamed —
Hargaysa- Somaliland
_______________________
Ma cadawgii
Soomaalida (xabashi)
ayaa noqday
Walaalkeena cususb?
Warsame Axmed
Cabdilahi — Seattle,
WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
President Rayale And
Puntland State Present
The Biggest Threat To
Somaliland; Not The UIC
Dahir A. Jama —
London, UK — 16
October, 2006
_______________________
“Haddee Ninka Maanta
Sheekh Ii Malayn Ayaa
Rag U Liita”
Cabdilaahi Geel-Jire —
Toronto, Canada — 25
October, 2006.
_______________________
The threats of the
Islamists should not
sidetrack Somalilan
Dr. Mohamed A Omar  
— London,  UK — 29
October, 2006
_________________
Professor Ibrahim
Maygaag Samatar: