combination of ideas and info lead to the truth
|
Seddex nin oo aarsi ku heshiiyey: George Bush, Menisa Senawe, Cabdilahi Yusuf Yay MOHAMUD SALAD — RALEIGH,NC.USA. — 20 may, 2007
|
Boga Fikradaha Opinion Page ___________________
Spy master and his ( NSS ) War Criminal colleagues. Yusuf Abdilahi Janaale — Oslo, Norway — 12 October, 2006 _______________________ Gabay ayaa ku cabiray sida aan dareen sanahay qadiyada: Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. _______________________ Halkee lagu iloobay danbiyada laga galay Shiyuukhda? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa. Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006 _______________________ MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN CULIMADA SOMALIA IYO SOMALILAND? Osman Omar Dool — Oslo Norway. — 13 October, 2006 _______________________ Baaq ay soo Saareen Dhallinyaro Reer Ceerigaabo ah Dhalin-Yarada Reer Ceeri-Gaabo — Ceeri Gaabo, Sanaag. — 13 October, 2006 _______________________ Xukuumaddeenuna Ma Naafay Noqotay? Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed — Hargaysa- Somaliland _______________________ Ma cadawgii Soomaalida (xabashi) ayaa noqday Walaalkeena cususb? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ President Rayale And Puntland State Present The Biggest Threat To Somaliland; Not The UIC Dahir A. Jama — London, UK — 16 October, 2006 _______________________ “Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liita” Cabdilaahi Geel-Jire — Toronto, Canada — 25 October, 2006. _______________________ Seddex nin oo aarsi ku heshiiyey: George Bush, Menisa Senawe, Cabdilahi Yusuf Yay MOHAMUD SALAD — RALEIGH,NC.USA. — 20 may, 2007 _________________
|
|

George Bush,
Gearge Bush waa
maxay danta uu ka
leeyahay Soomalia?
- Bush danta uu ka leeyahay Soomalia waxay tahay in dowlad islaam ah aysan ka dhalan
somalia.
- Waxaa kale uu doonayaa in dowlad dabadhilif u ah reer galbeed oo aan awood milatery
laheyn in uu soomaalia ka hergaliyo.
- Waxaa kale uu doonayaa in soomalia soo dejiyo dad Ethiopian ah oo gaala ah si uu
mustaqbalka dambe dad weynaha soomaliyeed 100% muslinka ah loogu dhex beero
dad gaala ah oo xaq ku yeesha dhulka.
- Waxaa kale uu doonayaa maadaama Somalia ay tahay dalka labaad oo ugu xeebta
dheer Africa in uu Ethiopia ku wareejiyo xeebaha Soomaliyeed iyo dhul Soomalia
leedahay, Taasna waxaa u daliil ah Ethiopia maraakiib waaweyn ayey soo iibsatay
waana kuwii south Koria ka keenay hubka iyo saanadaha kale, waxaa kale daliil ah
haweenayda u qaabilsan arimaha Africa markii ay tiri waxaa aan la-yaabanahay 70
milyan oo aan waxbad ah laheyn iyo 7 milyan oo leh xeebta labad ee ugu dheer africa
taas xaq ma ahan waa in xeebaha wax laga siiyaa 70 tanka milyan.

Melesa Senawe:
Meles waaa maxay
danta uu ka
leeyahay Somalia?
waxaan idiin sheegayaa danta uu Meles uu ka leeyahay Somalia in aytahay saddex
waxyaalood oo kala ah:-
- In Somaliya uu kala qeybiyo;
Somaliland/Puntland/Banadirland/Jubbaland/Payland,
- Waxaa uu rabaa in uu qeyb walba uu xirir la samaysto laakiin uusan dooneyn in ay-
iyagu wadda xiriiraan.
-waxaa kale uu doonayaa in uu yiraahdo qolo walba waa in ay adkeysataa
xudduudeeda oo qolada kale iska ilaaliso si aysan xuduudooda u soo galin. Taasna
waxaa kuu cad in Meles midnimo Soomaaliyeed uusan rabin.
- Meles waxaa uu aamin sanyahay in somaaliya tiradeedu gaarayso 7 milyan oo qof,
waxaa uuna rabaa in uu isku diro, kadibna inta hartay uu is daba dhigo si uu u hanto
dhulka dahan ee soomaliyeed ee bad iyo bariba leh (Waxa loogu yeero Afka qalaad
Virgin land).
- Meles waxaa kale uu bilaabay in uu ugaarsado Saraakiisha/Aqoonyahanka/iyo Culmaa-
udiinka Soomaaliyeed, waayo waxaa uu rabaa in uu san harin nin sargaal ah oo qiimo
leh waxaa kale uu rabaa in uusan harin wadaad wax u sheegi kara bulshada Muslimka
ah si aan loo iloobin cabsida ALLE.
Coll. Yusuf danta uu leeyahay ma ahan midnimo qaran,ma ahan in uu la dagaalamayo
argagixiso, ma ahan in uu ciidan qaran dhiso, mana aha in uu soomalia ku soo celiyo kala
danbeyntii iyo ismaqalkii ee waxay tahay danta uu leeyahay arimahaan soo socda:-
- In uu laayo Qabiilka Hawiyaha layiraa oo Soomalia ugu badan uguna awooda badan
isagoo ku taamaya in uu hantidooda la wareego, Hubkoodana la wareego,
Ciidamadoodana uu laayo iyo hantidooda maguurtada ahna baabiyo isagoo leh lix iyo
tobankii sano oo burburka ayey dhisteen tabcadeen waa in aan wiiqo
ciidankooda/Hantidooda u qixiyaa sidii ay horay noogu qixiyeen, taas waxaa kuu
cadeynaysa markii uu tagay xero qaxooti oo ku taal Nairobi ayuu dadkii la hadlay waxaa
uu ku yiri waa in aad baneysaan xeradaan kuwii halkaan idinkeenay ayaan soo
qixinayaa oo xeradaan soo galaya idinkuna dib ugu laabta guryihiinii la idinka soo eryey.
- Waxaa kale oo taas u dheer qorshaha guracan ee Coll.Yusuf in xeebihii Soomalia oo
dhan reer Puntland ay kireysteen oo maata 5 kun MARKAB ka badan laga kiraystay
xeebihii soomalia si ay ula baxaan kheyraadkii badda ku jira ku duugaan haraadiga
sunta nukliyerka ayaguna lacagta ka qaataan.
- Waxaa kale oo jira Coll.Yusuf in Duqowda reer Mogadishu ay u tageen kuna yiraahdeen
dagaal xal ma ahana ee dagaalka jooji, isaguna uu ku yiri halkaan uma imaan in aan
dagaalka joojiyo , taas micnaheedu waxaa weeye in uu mogadishu dhulka geliyo
markaas kadibna uu yiraa meeshaan caasimad ma noqon karto ee ha naloo wareejiyo
BOOSAASO.
- Coll.Yusuf waxaa ka go’an inuu ka aarsado reer muqadisho horay ayuuna ugu dhaartay
in mogadishow laga qixidoono waana laga qaxay.

Cabdilahi Yuusuf Yay:
Cabdilaahi Yuusuf waa
maxay danta uu ka
leeyahay Somalia?
Marka akhristow waxaa iga su-aal ah intee in la eg ayaa Coll.Yusuf uu taangi Tigree ku dhexjiri
kara?
mase kula tahay soomalia in qorey caaradiis lagu maamuli karo,
Caawo waxaa aan halkaan u fadhiyaa Coll.Yusuf nabadii rarye meesha uu kufuro ayaan sugin,
waxaa odayaashii hore ka maqlijiray NABADII WAA CIRBAD CEEL KU DHACDAY COLL.YUSUF
AYAANA KURIDAY.
Marka Soomaliyey waxaan idin sheegayaa in aad maanta iska ilowdaan wixii xurguf ah oo idin
dhexmaray oo aad iska ilowdaan kan ayaa reer hebel ah kan ayaa reer qurac ah, waa in aad u
soojeesataan DIFAACA DALKIINA IYO DIINTIINA.
WABILLAHI TOWFIQ.
MOHAMUD SALAD
RALEIGH,NC.USA.