Jijigawe.c
om
combination of ideas and
info lead to the truth
[ Yahoo! ] options
Contact Us
KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa.
Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006
War saxaafadeed uu KULMIYE soo saaray iyo mid uu Cabdillaahi-Jawaan soo saaray ( 10/04/06) oo isku maalin soo wada
baxay oo laba arrimood oo kala duwan ku saabsanaa ayaan midba wax kooban ka odhanayaa. Markaan ka baaraan degay
labada warsaxaafadeed waxa aan yaqeen saday midna inaanu laaqi aheyn noqsaanna ku keeni karo cidda soo kala saartay
(KULMIYE iyo Cabdillaahi-Jawaan). Waxaanan leeyahay KULMIYE iyo Jawaanow inta waa la idiinka hanweynaa!
War Saxaafadeedkii KULMIYE

Haddaan ku horeeyo warsaxafadeeka KULMIYE uu ku beeneeyay cajalada lagu faafiyay Internetka
ee lagu andacoonaayo in lagu jidh dilaayo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo xabsiga ku jira kuna
tilmaamay cajalada been abuur looga jeedo in lagu wax yeeleeyo nabada iyo madaxbannaanida
Somaliland horta waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga
bartay been abuur iyo jidhdilba isaga oo an baadhitan waxku ool ah sameyn. Mida kale cajaladdu
waa been abuur oo waxba kama jiraan iyo ha la baadho gudina ha loo saaro sida uu KULMIYE yidhi
dee isma qabtaan. Waxbaa si ah!  Cajaladdu in aay runtahay iyo in la jilaayo nuxurku ma aha ee
sua’ashu waxa aay tahey cajalad iyo cajalad la’aanba Sheekh ma la jidhdilay.  Taasina Sheekha
ayaa afkiisa laga hayaa waana wax lagu yaqaanay Riyaale iyo rabaciisa.
KULMIYE sida uu isu lahaa yaan lagugu cambaareyn ku jiqsii ayaa la kala garanwaayay maanta KULMIYE iyo UDUB.
Xukuumada Riyaale maanta uuma baahna in ay iska difaacdo xuquuqal insanka aay meel kaga dhacayso waayo KULMIYE
ayaa difacayaa.  Warbaahintii xukuumada ee aan weligeed afxumo mooyaane aan wax kale ka sheege jirin ayaa ila shalay
bahinaysay warsaxafadeedkii KULMIYE.  Cajiib!

Sida dawga ah marka aad wax baadheyso waa in aad marka hore dhinac walba dhegeysataa. Wixii halkaa kaaga soo
baxana aad ku darsataa maxaa dhinac walba looga bartay amba ka suurtoobi kara. Taasi KULMIYE ma yeelin ee inta aay
cajaladdii uun daawadeen ayaay qaraar iska gaadheen. Maxaay Xukuumada u weydiisan waayeen in ay maxbuuska la
kulmaan amba maxbuuska loo ogolaado in cid madaxbanaani la kulanto? Maxaay wax uugu qaadan waayeen maxbuuskan
Wasiirka u sheegtay in la jidh dilay? Maxaay u odhan waayeen sidiibay ku dhacday in maxbuus gacanta xukuumada ku jira
in cajalad laga soo duubo? Maxaay.. Maxaay? Arintan waxa si fiican ka yeeelay Xisbiga UCID Kulmiyana ku maay habooneyn
in aay dacaayada rakhiiska ah ee xukumada Riyaale faafineyso aay iyaga oo aan biyana iskaga daren sidiida u qaatan.
Haddii uu KULMIYE u nacamleeyo Riyaale, Riyaale waxa uu noqon doonaa kudkii oo kaba loo tolay. Waayeel nimadii,
aqoontii, iyo waayo aragtinimadii lagu yaqaanay lagana filaayay KULMIYEe wuu ka baaqsaday dhaawac weyna wuu isu
geystay. Intaa waxa aan uuga gudbayaa cajaladan iyo Sheekha

Sheekha Maxaa Lagu Soo Dacweeyay?

Inta aanan cajalada wax ka odhan waxa aan wax yar odhanayaa dadkan caadifaddu madax martay ee Sheekha ku
eedeynaaya ARGAGAXISNIMO.  Hubsiimo halbaa la siistaa ee imika iyo mar hore toona Sheekha laguma soo dacweyn
ARGAGAXISNIMO ee waxa xukuumaddu ku eedeyneysa oo lagu soo taandhiiyay qodobka  lambarkiisu yahay (222) oo ah
DHICID HANTIYEED, XASUUQ iyo BURBURIN

Sua’aasha ku Haboon Cajalada
Haddi aan u soo noqdo cajaladan horta lama odhan karo waa been abuur. Malaha dadka ku dacwiyaaya waa been abuur
waxa ay u jeedaan ninkan cajalada ku jiraa ma aha sheekha xabsiga ku jira amba ninkan lama jidhdilaayo ee waa la
jilayaa. Haddaanu ninkani Sheekh Maxamed Ismaaciil aheyn ayaa la odhan kara waa been abuur. In la jidhdilaayo iyo in la
jilaayo waa la isku khilaafi kara.

Hadaba sua’ashu meesha ku jirtaa waxa aay tahey a) Ninka cajaladan  ka mooqdaa ma yahey Sheekh Maxamed Ismaaciil
b) Cajaladan ma la duubay intii uu Sheekhu maxbuuska ahaa ee uu gacanta xukuumada ku jiray.   In la jidhdilayo iyo in
kale waa arrin kale. Haddi uu ninkani yahey Sheekhii oo aan xukuumaddu dafiraheyn amba ha la jidh dilo ambaa yaan la
jidh dilin ee sua’aasha meesha ku habooni waxa aay tahey sideebaa ninkani isaga oo Somaliland maxbuus u ah cajaladan
looga duubay; yaase ka doobay?  Danta laga lahaa waa maxay? Maxaay xukumadu uuga jawaabi weyday!

Sheekha Ma La Jidhdilay?

Ninkan cajalada ku jira ma la jidh dilayaa mise lama jidh dilaayo. Horta cajaladan waxa ka muuqata in ninkan loo tudhaayo
oo laga ilaalinaayo in wax nabar ah oo muuqda loo geysto inta badana agtiisa ayaa lagu dhufanayaa waxaanay u eegtahay
in la jilaayo. Taasi waa cadaan. Laakiin dadku waxa aay ilaabayaan jidh dilku in aanu ku eegeyn uun nabara muuqda oo
lagu gaadhsiiyo ee bahdalaad lagu bahdalo macnawiyan iyo maskaxahanba aay ka mid tahey jidhdil. Macanaha jidhdilka
aduunku aqoonsan yahey waa sidan:

Torture is any act by which severe pain, whether physical or psychological, is intentionally inflicted on a person as a means of
intimidation, deterrence, revenge, punishment, sadism, information gathering, or to obtain false confessions for propaganda
or political purposes

Sida cajaladan ka cadna in kasta oo la iska ilaalinaayo in nabara muuqda ninkan loo geysto hadana sida maxbuuskan loola
dhaqmay waxa lagu sifeyn karaa jidhdil marka laga duulo waxa loo nisbeyn karo Jidhdil ee Caaalamku isku waafaqsan yahey

Cajaladu Sidiibaay Ku Timid?

Mida kale cajaladan lix bilood ka hor ayuu qareenka maxbuusku (Maxamed Saciid Xirsi) uu u soo bandhigay maxkamadda
halkaasi oo uu maxbuuskuna ka qirtay in jidh dil lagu sameeyay. Isla markaa ayaay Cajaladu gacanta u gashay Xeer
Ilaaliyaha iyo CIDa. Marka ma aha cajaladdu mid imika uun soo ifbaxday. Markaa dad badani waxa aay aminsanyiheen in
aay xaga xukuumada ka baxday dan laga lahaaba. Qaar kalena waxa aay aaminsanyiheen cajaldani in aay ka badan tahay
saddex dan miridh (3:45 minutes) ee lagu fafiyay warbaahinta oo aay dhan tahey ila 30 miridh. Waxa kale oo iyana la
sheegayaa in  Safaarada Mareykanka ee Nairobi loo diray halkaasi oo aay cid dan gaar ah ka lihi ka soo celisay.  Waxa kale
oo iyana la is la dhex marayaa inna nimanka Sheekha jidhdilaaya amba jilaaya la garanaayo

Wasiir Talaabo Muxuu Ku Soo War Celiyay?
Waxa kale oo uu sheekhu u sheegay Wasiir ku-xegeenka Cadalada Yusuf Talaabo iyo kooxdii uu hor kacaayay ee
xukumada ka socotay in SUUN lagu garaaci jiray xafiiska CIDa. Halkii uu ka garaabi lahaa Talabo ee uu odhan laha gudi
madax banaan ha loo saaro wixii uu ku jawaabay waaynu ognahay. Nasiib darro. Waxa cadatay Cadaalada Talaabo in aay
tahey tii kowboyga (Cow Boy) waxaanu ilowsan yahy in magaalo la soo galay oo qaaynoon lagu kala baxo. Waar ragow
kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado. Cadaalada Talaabo waaynu aragnaa waxaanaynu ognahay caddalad darrada
xukuumada Riyaale wixii uu Taalaabo hore uuga sheegay. Ileen geed la cuskadaana


War Saxaafadeedkii Jawaan?

Haddaan u soo noqdo warsaxaafadeedka Cabdillaahi Xaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan). Markii uu istiqaalada bixinaayay
waxa uu ku cawday in kursiga Gudoomiyaha si xaq darro ah looga qaaday waxa kale oo uu inuu sheegay istiqaalada in aay
ku kaliftay badbaado qaran. Waata hore e Komishanku iyaga ayaa dhexdooda iska doorta Gudoomiyaha Saddex jeer oo loo
codeeyayna waxa la doortay Gudoomiyaha maanta Komishanka mayalka u haya. Waxa aan ku darayaa mar Marwo Shukri
Bandari oo karti iyo hufnaanba leh lagu magacaaby ku xigenka wixii Jawaan ka geystay wa loo soo taagnaa. Waa ta kale e
waxa nasiib darro ah in ninkii hogaankii demoqraadiya ee lagaga gudbi laaha qabyaalada tooska ah gacanta loo geliyay (
Komishanka Doorashada) aay noqoto badbaadadii qaran ee laga sugaayay reer kayaga wasiir baa ka maqan ee hana loo
kordhiyo mansabka aan iska casileyna nin reer kayga ah ha lagu bedelo iyo mahadnaq Madaxweyne.

Mar haddi uu Jawaan is casilay oo aay ka soo go’aday in uu  aqbalaad ka sugo cidna may aha. Qofka aanay ka dhab aheyn
sidii C/Qaadir Jirde ayaa ku meereysta waa la iga aqbali waayay. Xuquuqal insaanka ayaay ka mid tahey in aad shaqada
aad hayso marka aad doonto ka tegi karto hadii kale cabiid (slave) ayaad tahey. Istiqaaladdu waa ogeysiis uun. Sidaa
awgeed wax uu Jawaan uugu mahadnaqdo Riyaale meesha ma oolin.  

Rikoodka Jawaan U Yaalaa Waa Maxay?

Waxase laga yaabaa xidhiidh hoosaadkii uu Jawaan la lahaan jiray Riyaale in uu oga mahadnaqaayay. Waxa laga wada
warqabaa iixashadaa uugu foosha xumaayd innay ka dhaceen goobihii Jawaan loo xilsaaray oo aay ka mid ahaayeen
BALINCALINLEH iyo LUGHAYABA. Sidaa awgeed Komishanka iyo shacbiga midna Cabdillaahi-Jawaan u darsan maayo.
Waxaana loo tirinayaa Riyaale sabata uu ku yimid iyo Sababta aay UDUB ku bursatay Golaha Wakiiladaba in uu Jawaan door
weyn ka ciyaaray. Marka sidii Jamhuuriyaba tidh Salaama Jawaanow

Komishanka Cusub Yaa Soo Dooranaaya?

Mid kalana Jawaan wuu ku qaldanyahay. Komishanka waqtigiisii waxa uu ku eeg yahey 18ka December ee sannadkan
(2006). Mar haddii aay bilo tahey waxa ka hadhay wakhtigii Komishanka sida loo soo dooranaayo Komishan cusub Riyaale
uuma taallo ee waxa aay u taalaa axsaabta (stake holders). Axsaabtuna hore ayaay fikradooda ka dhiibatay oo aay
yidhaahdeen komishanka cusub ha noqdo sagaal (9) xisbi walibana hasoo magacabo saddex (3). Haddi laga tegi waayo
jagada uu iska casilay Jawaan waxa xaq u leh KULMIYE in aay cid u soo maqacabaan waayo Guurtida, Madaxtooyada iyo
xisbiga UCidba cidbaay soo magacabeen. Xisbiga an weli cid soo magacaabini waa KULMIYE. Haddi aaynu taariikhda dib
uugu noqono wakhtigii Komishankii hore la soo magacaabay axsaabi ma jirin.  Waxana soo kala xulay Madaxweynaha uu
Saddex ah (3), Guurtida oo Laba ah (2) iyo laba bulshada ah (2).

Wadhciga maanta tagan Madaxweynaha (Fulinta) iyo Guurtidu way isku milmeen markaa in aay shan (5) soo xulaan wada
UDUB ah caqliga geli mayso waana habeenkii xalay ahaa oo tegay.  Sidaa awgeed Saddexda xisbi ayaay u taala sida loo
soo magacabaayo Komishanka cusub ee Salaama Jawaanow.

Gabogabadii.
Jaamc Cabdilaahi Qalib (Jaamac Yare) buug uu qoray waxa uu ku xariiqay dhulkii la isku odhan jiray Somalia meesha
QUDHA ee hadhaagii Siyaad Barre uu weli ka taliyaa in aay tahey Somaliland.  Taasi waxa u daliil ah cajaladda shabakadaha
war baahinta lagu fafiyay ee lagu jidh dilaayo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo jeelka ku jira.  Anshaxa xun iyo cadaalada
daradaba ummado hore iyo dawlado badan ayaa lagu rogay. Khatarta uugu weynina maanta waxa ku keeni kara Somaliland
caddaalad xumida ka jirta ee yaan waxba lagu meereysan shirqool iyo cadow aan jirin.

Sida Jaamac Yare sheegay talada kuwa hayaa waa dirkii Siyaad. Xeelada iyo tabta aay isticmaalaana waa kuwii Siyaad.
Marka lagaga bilaabo Madaxweyne Riyaale, wasiirka daakhiliga Cabdilaahi Cirro Wasiirka maaliyada Cawil oo ku faana in uu
yahay qofkii uugu denbeeyay ee Siyaad koofi (coffee) la caba maalintii uu baxsanayay iyo kuwa kale oo badan oo ka mid
ahaa haya’dii sirdoonka (NSStii) ee ku caan baxday jidh dilka gidi inta talo ka go’adaa waa dirkii Siyaad Barre.   Imisa ayaa
u xidhan xukun maxkamadaha degdega ihi ku rideen? Maxaa ka hor jooga markaa in ay SUUN la dhacaan haddi aay Diintii
Bani Aadam nimadii iyo Distoorkii midna ka xishoon waayeen. Markaa  sida ka muuqata cajalada lagu baahiyay
shabakadaha warbahinta ee lagu  Jidh dilaayo Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil (Sheekha) , in kasta oo aay nasiib darro
tahey, haddana wax lala yaabo ma aha. Waxa weli sii baxaaya dhawaaqii inantii yareyd ee SAMSAM ee Jimciyada qurromuhu
u soo gurmatay. Waa caadadood ee ceebtood ma aha.  Sida uu Jaamc Yare ka dhawaajiyay haddi uu Siyaad Barre uu
maanta soo noolan laha meesha QUDHA ee askartiisii uu taba baray sii dalacday xeeladihii uu isticmaaali jirayna la sii
feeqay lana sii baahiyay waxa uu qiri lahaa in aay Somaliland tahey.

Waxa la yidhi haddan sacabka xeelade ku jirin maxaa habeenkii loo garaacayaa. Haddan wax la qarineyn maxaa Sheekha
cid madaxbanaan oo xukuumada ka madaxbanan loo tusi wayay; maxaa Amnesty International iyo hay’adaha kale loogu
sii deyn waayay, maxaa hayada xuquuqal insaanka e maxaliga ah ee madaxbanaan loo tusi waayay.

Waxa aan ku soo afjarayaa cajaladan siddi lagu hubin kari lahaa in aay dhabtahay iyo inkale xukuumada ayaa hortagan oo
diidan in aay guddi xukuumada ka madaxbanaan u saarto. Ila inta taa la helaayo amba wax cadeyn ah oo beeneynaaya
aan la soo bandhigin (oo aan hadal aheyn) iyada oo la og yahey in aay xukuumada Riyaale isticmaasho maxkamadaha
degdega ah iyo xishood la’anba waxa aan denbi ku jirin in lagu goa’amiyo in Sheekha la jidhdilay cajaladuna aay
dhabtahay. Sida qareenka Sheekhu shir jaraa’d ka sheegay Sheekha waxa lagu soo dacweeyay DHICID HANTIYEED iyo
XASUUQ. Iyaba waa yaabe maxaa hantidii uu Sheekhu dhacay ciddi uu ka dhacay iyo ciddi uu xasuuqay loo sheegi
wayay????????

Waxa aan leeyahay xukuumada Riyaale waa caadadeed ee ceebteed ma aha KULMIYE iyo Jawaana waxaa aan markale
leeyahay inta waa la idiinka hanweynaa

Ali Gulaid, San Jose, CA
Boga Fikradaha
Opinion Page
___________________

Spy master and his
( NSS ) War Criminal
colleagues.
Yusuf Abdilahi Janaale
— Oslo, Norway — 12
October, 2006
_______________________
Gabay ayaa ku cabiray
sida aan dareen
sanahay qadiyada:
Sheekh Maxamed
Sheekh Ismaaciil.
_______________________
Halkee lagu iloobay
danbiyada laga galay
Shiyuukhda? Warsame
Axmed Cabdilahi —
Seattle, WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
KULMIYE Iyo
Jawaanow Intaa Waa
La Idiinka Han
Weynaa.   Ali Gulaid —
San Jose, CA, USA —
08 October, 2006
_______________________
MAXAY KU KALA
DUWAN YIHIIN
CULIMADA SOMALIA
IYO SOMALILAND?
Osman Omar Dool  —
Oslo Norway. — 13
October, 2006
_______________________
Baaq ay soo Saareen
Dhallinyaro Reer
Ceerigaabo ah
Dhalin-Yarada Reer
Ceeri-Gaabo — Ceeri
Gaabo, Sanaag. — 13
October, 2006
_______________________
Xukuumaddeenuna Ma
Naafay Noqotay?
Prof. Cabdisalaam
Yaasiin Maxamed —
Hargaysa- Somaliland
_______________________
Ma cadawgii
Soomaalida (xabashi)
ayaa noqday
Walaalkeena cususb?
Warsame Axmed
Cabdilahi — Seattle,
WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
President Rayale And
Puntland State Present
The Biggest Threat To
Somaliland; Not The UIC
Dahir A. Jama —
London, UK — 16
October, 2006
_______________________
“Haddee Ninka Maanta
Sheekh Ii Malayn Ayaa
Rag U Liita”
Cabdilaahi Geel-Jire —
Toronto, Canada — 25
October, 2006.
_______________________
The threats of the
Islamists should not
sidetrack Somalilan
Dr. Mohamed A Omar  
— London,  UK — 29
October, 2006
_________________