Jijigawe.c
om
combination of ideas and
info lead to the truth
[ Yahoo! ] options
Contact Us
Gabay ayaa ku cabirayaa sida aan dareen
sanahay qadiyada Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil.
Ceelkii Hargaysaad oo wadaada lagu xasuuqayo
Gabaygan waxaa Curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi Oo iminka ku sugan
Magaalada Nairobi hase ahaatee Dagan Wadanka Uganda taariikhdu markay ahayd 08/10/2006
Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye
Amakaag ma laha shay haduu soo ahaan jiraye
Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane
arin aniga iga yaabiyoo aada baa jira.e

Arxan xumada soomaaliland maqal islaamkiiye
Iyaga iyo axmaaradu iblays agabki weeyaane
Culimada ilaahay diraye diinta u adeegta
Xabsiga abu qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye
Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye
Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe
Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro
Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene
Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye

Akishuu noqdaye ina isaaq weys tixgeliyaaye
Awood nimaan lahayn iyo qariib waa alqaacido.e
Iyagay aduunyada tusaan kuna ugaadhaane
Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye

Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida.e
Inaguu gargaar inaga sugi ina ismaaciile
Adimada hadaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday
Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo
Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo.e

Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro.e
Inantii yarayd waadigii aakahow ridaye
Eegana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye
Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye

Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa
Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey
Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arimiyaaye.

Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh
Hawraar awow laga wato iyo hibo ilaahay dheh
Eegana rigaalow la maqal waxaad ahaateene
Oogada saraad uga eg tahay ina islaameede

Adigiyo israa.iilba waad edeb daraateene
Nin islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye
Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye
Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo ireland.e

*************************************************************

Axmed Cabdi Geele .
Boga Fikradaha
Opinion Page
___________________

Spy master and his
( NSS ) War Criminal
colleagues.
Yusuf Abdilahi Janaale
— Oslo, Norway — 12
October, 2006
_______________________
Gabay ayaa ku cabiray
sida aan dareen
sanahay qadiyada:
Sheekh Maxamed
Sheekh Ismaaciil.
_______________________
Halkee lagu iloobay
danbiyada laga galay
Shiyuukhda? Warsame
Axmed Cabdilahi —
Seattle, WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
KULMIYE Iyo
Jawaanow Intaa Waa
La Idiinka Han
Weynaa.   Ali Gulaid —
San Jose, CA, USA —
08 October, 2006
_______________________
MAXAY KU KALA
DUWAN YIHIIN
CULIMADA SOMALIA
IYO SOMALILAND?
Osman Omar Dool  —
Oslo Norway. — 13
October, 2006
_______________________
Baaq ay soo Saareen
Dhallinyaro Reer
Ceerigaabo ah
Dhalin-Yarada Reer
Ceeri-Gaabo — Ceeri
Gaabo, Sanaag. — 13
October, 2006
_______________________
Xukuumaddeenuna Ma
Naafay Noqotay?
Prof. Cabdisalaam
Yaasiin Maxamed —
Hargaysa- Somaliland
_______________________
Ma cadawgii
Soomaalida (xabashi)
ayaa noqday
Walaalkeena cususb?
Warsame Axmed
Cabdilahi — Seattle,
WA,  USA — 09
October, 2006
_______________________
President Rayale And
Puntland State Present
The Biggest Threat To
Somaliland; Not The UIC
Dahir A. Jama —
London, UK — 16
October, 2006
_______________________
“Haddee Ninka Maanta
Sheekh Ii Malayn Ayaa
Rag U Liita”
Cabdilaahi Geel-Jire —
Toronto, Canada — 25
October, 2006.
_______________________
The threats of the
Islamists should not
sidetrack Somalilan
Dr. Mohamed A Omar  
— London,  UK — 29
October, 2006
_________________