combination of ideas and info lead to the truth
|
MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN CULIMADA SOMALIA IYO SOMALILAND? Osman Omar Dool — Oslo Norway. — 13 October, 2006
|
Qofka marka uu dhasho ee uu caloosha hooyadii ka soo dhamaado waxaa u bilaaba inuu wax bartO.
Waxbarashada uu qofku wax barta ma ah mid kooban ama sahala waa mid balaadhan oo mug weyn oo ka
soo burqata ilo badan, waa mid ka timaada macalimiin fara badan, taas oo socota ilaa inta uu qofku mawdka
dhadhaminayo.
Qofku cida uu wax ka barto waxaa ugu horeeya guriga uu ka dhashay, waxaa ku xiga Dugsiga la geeyay mid
diineed iyo mid maadiya kolba ka uu nasiib u yeesho ama labadoodaba. Waxa kale oo uu qofku wax ka
bartaa bulshada uu ku nool yahay ee uumaacaamilka la sameeyo, waxaa iyaguna qofka u macalin noqda
habeenka iyo maalinta hadii aan si kale u dhigo waxaa qofka wax u dhiga waayaha iyo waqtiyada soo mara
ee ku gadaaman, kuwaas oo raad ku yeesha nolashiisa hore iyo tiisa danbaba.
Akhristow hadii aan u soo dego inaan ujeedada saafo waxaa jirta in magaalda Muqdisho oo 16 sano
deganayd ay ka dhaceen kacdoomo lagaga takhalusay qabqablayaashii 16ka sano dadka beerka kaga
taagna. Cida ka takhalustay ma aha cid meel fog ka timid ee waa intooda badan bulshadii ay duleysteen
kuwaas oo is abaabulay iyagoo waliba ula dagaalamay hab diiniyan ah kaas oo ahaa dariiqa kaliya ee lagaga
takhalusi karayay nidaamkii xumaa ee meeshaa ka jiray.
Ka dib guushaa sahalka aan ku inman ee ku timid umalka gaaxdey 16ka sano, ayaa ragii u hogaaminayey
kacdoonkaa la magac baxay Maxkamadaha Islaamiga ah ayay waxaa u soo baxay qaaciido odhaneysa hadii
aad sidaa ku wadaan waxaad hantiyi doontaan dhamaan geyigii la isku odhan jiray Somaliweyn, iyagoo
waliba hamigoodu uu daaran yahay inay dalalka dariska ah laftooda ka dhex toosaan. Waliba waxa
qaacidada u bud-dhiga in aan meela lagu duulin ee meelwalba dadka ku nooli is abaabulaan oo ay iyagu iska
dhex toosaan ka dib markaana ay Maxakamadaa Muqdisho hoos yimaadaan, Maxkamada Muqdishana ay
noqoto Maxkamadii Maxkamadaha dhashey ama u wayneyd. Inay u romaabi iyo inay riyo ku noqon waa mid
Alle ku xidhan, waxaanse hoosta ka xariiqaya in ay si in badan ah u noqon karo Cabdoo Qalad Xisaab. Taas
oo aan uga jeedo in hadii wax la khaldo uu maxsuul kale iman karo kaas oo lafjab ku noqon kara Maxkamada
Muqdisho. Lugta jeeni dhaaftaa si hawl yar bey u jabtaa!!
Somaliland waa meelaha ay xisaabta ku darsadeen Horjoogayaasha Maxkamadaha Muqdisho iyagoo aad u
daneynaya inay helaan raad ay soo raacaan taas oo lagu cadeyn karo sida aadka ah ee ay uga hadleen
sheekada sida ay u jirto lagu marunsan yahay ee Sheikh Max`ed Ismaaciil oo ku xidhan Xabsiga Hargeisa
iyadoo loo qaadan karo sida ay uga hadlaan inay tahay Meel aan rabey roob ma ii helay.
Wareysigii u danbeeyay ee afhayeenka Maxkamadaha Koonfureed Mudane Cadow uu BBC.da siiyay uu ku
sheegay in aanay wax weerara sinaba ugu tageyn Somaliland. Lakiin Cadow waxaanu meesha ka saarin
hadii dadka halkaa joogaa ay is abaabulaan, ay markaa ka Maxkamad ahaan soo dhaweynayaan, isagoo
waliba talo bixin ka dhigey inaan Culmida la is hortaagin taas oo ah Signaal uu ka bidh siiyanyo si uu ku kiciyo
dareenka Culmida Somaliland
Hadaba intaanan ka hadlin sida ay ila tahay inay ku waaangsan tahay inay yeelaan Culmida reer Somaliland,
ayaa waxaan doonaya inaan in yar is dultaago su`aal ah maxay iska matalaan Culmida Somaliland iyo
Culmida Koonfureed wax farqi ah oo u dhexeeyas`e ma jiraa? Su`aasha si loo famho waxaan u jeedaa
waayaha ku xeeran kuwa koonfureed ama ku xeernaa iyo kuwa Somaliland ku xeerani ma isku midbaa?. Si
Akhirstuhu u fahmo ujeedada waxaan ka afeefanaya inaanu jirin farqi u dhexeeya Cidii aaminsan diinta
Islaamaka. Markaa Culmida runta ah Diinta meela kama soo galayo khilaaf u dhexeeya.
Su`aasha oo u baahan in waxbadan dib loo noqdo oo waayihii la soo maray lagu noqdo ayaan waxaan isku
daayaya inaan si kooban uga hadlo kala duwaanshaha labada dhinac.
Waa marka hore Somaliland waligeed kamay dhicin in nin Sheekha oo Suuqa dhex socda Xabad lagu dhufto,
Somaliada kale se waliba Muqdisho waxaa lagu dilay culmi badan oo uu ka mid yahay Boqol Soon waxa kale
oo jirtey in qaar badan lagu hor dilay Masjid hortii halka qaar kalena lagala baxay guryahooda, waxaana
jirtey inaaney cumiladu wax sucmad ama sharaf ah ku lahayn inta badan dadka Koonfur ama Muqdhishoba
degaana iyadoo la odhan kara dadka halkaa joogey 70% ayaa ahaa qaar u soo toosa inay wax dulmaan oo
ay dad dhacaan.
Ta labaad ee aan soo qaadan karo aya ah. Somaliland culmadeedu iyaga oo aanay cidi u diidin wali
siyaasada kumay milmin oo banaanka ayay ka joogeen iyagoo haystey ixtiraam kale oo bulshada dhexdeeda
ah. Lakiin Somalia waxaa jirta in raga Maxkamadaha ah ay badankoodu ahaayeen rag nidaam dawladeed
soo maray oo waliba Qaarkood ay ahaayeen Milatari loo hasyto xasuuqyo ay geysteen waxaana ka mid ah
Moorgen iyo Xasan Turki. Waxaa isaguna Maxkamadaha gacan weyn ku leh C/Qaasim Salaad Xasan oo xilal
badan soo qabtey iyo rag kale oo kuu mid yahay Abshir Bacadle oo aan diin iyo iimaan toona laheyn balse
hab qabiil ku dhex socda culimada.
Jaawabta kooban ayaa waxaa laga dhex dheehan karaa in raga Maxkamadaha Muqdisho ku jira ay
badankoodu yihiin rag si ay madax u noqdaan soo hirdiyay gidaaro hore oo dabadeed markii ay socon
wayday ama ay ku fashilmeel hada u kooreystay inay hab diiniyana dadka ku kasbadaan iyagoo isugu dhex
qarinaya kuwo ay arintan diintu ka dhab tahay oo ah kuwa ka dhiidhiyay xumaantii badanyd ee halkaa ka
jirtey, Dabcan Rasuulkii suubanaba(CSW) Munaafaqiin ayaa ku jirtey
Waxaan faalada ku xidhaya Culmida Somaliland waa inay lafta guraan xaragana aaney ka tagin. Waa inay
Diinta islaamka in la raaco dadka iyo dawladaba ku dirqiyaan lakiin sida ay ugu dirqiyayaan aaney noqon ka
dhex toosid iyo is aabulida ay Xasan Turki iyo C/Qaasin wadaan.
Waa inaanay noqon qaar u shaqeeya sidi gaadhi baalagyadu ka seexdeen oo marki la diirayay istaadhmey
taas oo la macno ah inaaney dhegeysan Isaabulada raga Xamar jooga ee ah ama la macno ah dagaalama.
Waxaana taa diidaya Somaliland kama jirto dawlad iyo nidaam u baahan in dagaal lagu damiyo. Dhab
ahaantii waxaa ka jira nidaam la doortey, xisbiyo mucaarada, barlaamaan, gole guurti iyo shicib
nabadgelyada jecel. Waxaa dhamaantood jira khaldo badan oo ay leeyihiin oo u baahan in la saxo laguna
saxo talo iyo maxay kula tahay, runta la isaga sheego waxaana khaldadaa ka kow ah Musuqmaasuqa,
cadaalad darida Etc. Sixidoodu uma baahna in dagaal iyo dhiig la qubo si Maxkamada C/Qaasin ee Muqdisho
loo hoos tago. Cidii hamigaasi gaalana waa nin gurigii hooyadii dab sudhaya waanu ka shaleyn doonaa
Aakhiro iyo Aduunkaba.
Osman Omar Dool. Oslo, Norway.
Boga Fikradaha Opinion Page ___________________
Spy master and his ( NSS ) War Criminal colleagues. Yusuf Abdilahi Janaale — Oslo, Norway — 12 October, 2006 _______________________ Gabay ayaa ku cabiray sida aan dareen sanahay qadiyada: Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. _______________________ Halkee lagu iloobay danbiyada laga galay Shiyuukhda? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa. Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006 _______________________ MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN CULIMADA SOMALIA IYO SOMALILAND? Osman Omar Dool — Oslo Norway. — 13 October, 2006 _______________________ Baaq ay soo Saareen Dhallinyaro Reer Ceerigaabo ah Dhalin-Yarada Reer Ceeri-Gaabo — Ceeri Gaabo, Sanaag. — 13 October, 2006 _______________________ Xukuumaddeenuna Ma Naafay Noqotay? Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed — Hargaysa- Somaliland _______________________ Ma cadawgii Soomaalida (xabashi) ayaa noqday Walaalkeena cususb? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ President Rayale And Puntland State Present The Biggest Threat To Somaliland; Not The UIC Dahir A. Jama — London, UK — 16 October, 2006 _______________________ “Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liita” Cabdilaahi Geel-Jire — Toronto, Canada — 25 October, 2006. _______________________ The threats of the Islamists should not sidetrack Somalilan Dr. Mohamed A Omar — London, UK — 29 October, 2006 _________________
|
|