combination of ideas and info lead to the truth
|
Baaq ay soo Saareen Dhallinyaro Reer Ceerigaabo ah Dhalin-Yarada Reer Ceeri-Gaabo — Ceeri Gaabo, Sanaag. — 13 October, 2006
|
Annaga oo ah dhallinyarada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu halkan ku taageraynaa baaqyo ay
hore u soo saareen Culimada Hargaysa iyo Burco, kuwaas oo ay xukuumadda kaga dalbanayeen sii-daynta
culimada ku xidhan Xabsiga Hargaysa iyo dadkii mudaharaadka lagu xidh-xidhay iyo in dawladdu si deg-deg
ah ugu hirgeliso dalka ku dhaqanka shareecadda Islaamka.
Haddaba, annaga oo baaqyadaa dhammaantood taageersan waxaannu aad iyo aad uga xunnahay
cajaladda jidh-dilka foosha-xun leh ee Sh.Maxamed Sh Ismaaciil lagu jidh-dilayo waana mid fool-xun oo ka
baxsan islaamnimada iyo bini’aadanimadaba, mana aha cajaladdu been ee way jirtaa, waana mid run ah ee
waxba yaan layska indho-tirin. Intii cajaladdu soo baxday qaar naga mid ah ayaa ugu tegay Sheekha jeelka
oo waydiiyey in jidh-dilkaasi jiro, Shieekhuna wuu u caddeeyey in la jidh-dilay oo waliba jidh-dilkaa foosha
xun lagu sameeyey qofka caqliga wanaagsan ee cajaladdaa daawadaa wuu garanayaa in aanay ahayn been
iyo mala-awaal toona, markaa waa in si deg-deg ah guddi madaxbannaan loogu saaraa oo ciddii jidh-dilkaa
foosha-xun ka dambaysay si deg-deg ah Maxkamad loo horkeenaa. Culimada sannadka iyo dheeraadka bilaa
xukunka ku xidhanna waa in si dhakhso ah loo sii daaya iyaga iyo dad kii mudahaaraadka lagu xidhxidhay.
1 Mustafe Xasan Xuseen
2 Faysal Xuseen Cali
3 Mataan Nuur Aadan
4 Maxamed C/Laahi Aadan
5 Maxamed Cumar Maxamed
6 Maxamed Xasan Aadan
7 Shiine C/Raxmaan Muuse
8 Nasir Cali Siciid
9 Shirdoon Cabdi Nuur
10 Maxamud Xasan Cali
11 Yuusuf Saalax Cawed
12 Khadar Cali Xasan
13 Yuusuf Xuseen Cali
14 Axmed Cali Yuusuf
15 Jaamac Cali Jaamac
16 Maxamed Muuse Maxamed
17 Yaaquub Yuusuf Maxamud
18 Siciid Yaasin Mire
19 Qaasin Xuseen Xasan
20 Siciid Ibraahin Xuseen
21 Maxamed Jaamac Faarax
22 Maxamed Maxamud Yuusuf
23 Mursal Nuur Aadan
24 Ibraahin Maxamed Dalmar
25 Mustafe Cabdi Jaamac
26 Cawil Xaamud Maxamed
27Axmed Jaamac Faarax
28 Axmed Xasan Xuseen
29 Sahal Cali Marsame
30 Mawliid Cismaan Axmed.