combination of ideas and info lead to the truth
|
Xukuumaddeenuna Ma Naafay Noqotay? Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed — Hargaysa- Somaliland
|
Af Soomaaliga naafadu waa: laxaad jidhka banii aadamka ama xoolaha oo hawshii loogu talagalay qaban
kariwaayay. Inta badan waxay timaadaa naafadu marka laaxadka oo bed qaba, nabar halis ahi gaadho;
nabarkaas oo waxyeelo u gaysta hawlgudashadii loogu talagalay laaxdka. Tusaale ahaan, haddii ay qof
xabadi kaga dhacdo gacanta ama lugta oo ay seedaha, muruqyada, iyo lafaha goyso marka uu bogsado waxa
laga yaabaa inuu nabarkii u naafoobo. Kaasi waa macnaha aynu guud ahaan u naqaano naafada.
In dhawayd se erayga macnihiisii waa la durkiyay. Dadka macnaha durkiyay ee si kale u adeegsadayna waa
dad waxa u eg macnihii naafaada ku tilmaamaya meel aan laaxaad jidh burburin, hasa yeeshee, is kale u
waxyeelowday oo hawsheedii gabtay. Taasina cilmiga afafka uekayn ayaa la yidhaa; oo weedhaha caadiga
ah, maahmaahaa, iyo gabayada intaba waa lagu arkaa.
Adeegsi sidaas oo kale ahna waxan la kulmay dhawr sano ka hor anoo magaalada Burco jooga. Waxa na soo
ag maray, annaga oo makhaayad fadhina aniga iyo rag kale, dhalinyaro dhawr ah oo dharkood iyo
dhaqankood ay ka muuqato inay debedaha ka yimaadeen. Nin raggii ila fadhiyay ka mid ah ayaa tiraabay
weedh uu dhalinayaradii ku tilmaamayo. Wuxu yidhi, "Waa kuwan naafadii Urub." Naafadii Urub! Eraygii baa
dhegtayday ka sii guuxay. In yar ka dibaan ninkii ku idhi, "Maxaad dhalinyarada ugu sheegtay naafadii Urub?"
Wuxu iigu jawaabay, "Waxay naafadii Urub ku noqdeen, markay dalkood ka qaxeen e Urub u qaxeen, Urubna
cilmigii iyo dhaqan wanaagsan ka qaadan waayee, bulshaday u tageenna la qabsan waayeen. Markaas oo ay
ku dhaceen halkii maahmaahdi sheegtay oo ay noqdeen, [Dacawadii tiidiina ka tagtay, tii nebigiina gaadhi
wayday.] Si kale hadaan u dhigona waxay noqdeen dad hawshii loogu talagalay gabay; sidaasaanay ku
noqdeen naafo.
Anaga oo uekayntaa xiganayna, waxa isweydiin leh, xukuumaddeenuna ma naafay noqotay? Waxa si cad u
muuqatay inaan xukuumadda Somaliland ujeedooyinkii loo sameeyay, ee awgeed dad iyo dalba loo
burburiyay, oo ay ka mid ahayeen dadka Somaliland inay:
(1) xoryiad helaan
(2) garsoor wanaagsan helaan
(3) horumar dhaqaale helaan
(4) horumar dhaqan helaan
(5) horumar caafimaad helaan
(6) horumar waxbarasho helaan
(7) shaqooyin helaan
(8) maamul hufan helaan
(9)musuqmaasaq la'aan helaan
(10) aqoonsi aduunweyne helaan, inaan intooda badan la hayn. Kuwa la hayaana ay kala dhantaalanyihiin.
Sidaa daraadeed aniga xukuumaddeenu waxay iigu muuqaataa xukuumad naafo ah; hawshii loogu
talagalayna gabtay. Xoryidda way ku galgaltaa. Garsoor wanaagsani ma jiro. Horumarka dhaqaale iyadaa
hortaagan oo cashuuro qaaliya iyo musuqmaasaq, xukuumad iyo rayidba la xalaashady, ku hortaagan. Waxa
alla waxa dalku horumar dhaqaale sameeyay, haday tahay xagga isgaashsiinta, haday tahay xagga
korantada, haday tahay xagga wershadaha, haday tahay xagga warbaahinta, iyo haday tahay xagga
ganacsiga guud, dadweynaha reer Somaliland ayaa keenay. xukuumadduna cashuuruun bay ka gurataa
waxna u tarto.
Dhowaanna naafadii hore naafo kale ayay ku dartay. Muran distooriya ayay dhex dhigtay saddexdii waxood
ee dawladda: Fulintii (oo xukuumadda ah), sharcidejintii (oo G/Wakiilada iyo G/Guurtida ah), iyo garsoorkii (oo
maxkamadda sare iyo maxkamadaa kale ah). Murankaas oo ah muddo kordhinta afarta sanadood ah ee
G/Guurtida loo kordhiyay ka dib markii xukuumaddu soo jeedisay, maxkamdda sarena ku raacday. Murankaasi
waaxihii dawladda Somaliland uu naafeeyay; waqtigii, tamartii, iyo lacagtii dadka wax loogu qaban lahaana
isaga ayay ku lumeen. Waa ta keentay dawladdii markay naafooday in Madaxwenihi wuxu shir qaran ku
sheegay, oo ka kooban sagal wasiir, sagaaal guurti ah, iyo sagaal wakiil, la qabto, si ay dhibaatooyinka
naafeeyay dawladdii Somaliland u maareeyaan. Su'aal baase meesha taal, "Mala noolayn karaa, hadday naafo
gaadho meel?" Ihaahay dawdii naafada saaraysay ama waaxo bed qabo ku bedelays hay nooga soo saaro
shirarka iyo wadatashiga waa u baahanee. Amiin.
Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed aymohd2000@yahoo.com
Boga Fikradaha Opinion Page ___________________
Spy master and his ( NSS ) War Criminal colleagues. Yusuf Abdilahi Janaale — Oslo, Norway — 12 October, 2006 _______________________ Gabay ayaa ku cabiray sida aan dareen sanahay qadiyada: Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. _______________________ Halkee lagu iloobay danbiyada laga galay Shiyuukhda? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa. Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006 _______________________ MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN CULIMADA SOMALIA IYO SOMALILAND? Osman Omar Dool — Oslo Norway. — 13 October, 2006 _______________________ Baaq ay soo Saareen Dhallinyaro Reer Ceerigaabo ah Dhalin-Yarada Reer Ceeri-Gaabo — Ceeri Gaabo, Sanaag. — 13 October, 2006 _______________________ Xukuumaddeenuna Ma Naafay Noqotay? Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed — Hargaysa- Somaliland _______________________ Ma cadawgii Soomaalida (xabashi) ayaa noqday Walaalkeena cususb? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ President Rayale And Puntland State Present The Biggest Threat To Somaliland; Not The UIC Dahir A. Jama — London, UK — 16 October, 2006 _______________________ “Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liita” Cabdilaahi Geel-Jire — Toronto, Canada — 25 October, 2006. _______________________ The threats of the Islamists should not sidetrack Somalilan Dr. Mohamed A Omar — London, UK — 29 October, 2006 _________________
|
|