combination of ideas and info lead to the truth
|
Ma cadawgii Soomaalida (xabashi) ayaa noqday Walaalkeena cususb? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006
|
Taariikhda Geeska Afrika waxay tibaaxaysaa; in ka badan 500 sano ay Islaamka & Gaalada ay dagaal soojireen
ah uu ka dhaxeeyey. Kaas oo markastana dadka haysta diinta kiristanka ay dagaalka ay kula jiraan Islaamka
ay ka caawinayeen Yurubiyaan iyo maraykanka, maadaama ay la diin yihiin.
Hadaba, waxaa qof kasta oo Taariikhda wax ka og uu og yahay in qoomiyada Soomaalidu ay ka mid ahayd
Qoomiyadihii Islaamka ahaa ee Geeska Afrika ku noolaa. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa, Geesigii
Islaamka Geeka Africa: Axmed Ibrahim Gazali (Axmed Guray) uu u dagaalamayey qoomiyadaha Islaamka ah, oo
Soomaalidu ka midka ahayd, uuna la dagaalamayey qoomiyadaha Gaalada ah, ee Tireega & Axmaarad ka
midka ahaayeen.
Sikasta ha ahaatee, markii gumaytaha Ingriisku soo galay gayiga Soomaali, waxaa la
wada og yahay in waqtiyadii afartameeyadii boqortooyadii Ingriisku bilawday sidii ay
dhelka Soomaalida kolba cad ugu jari lahayd oo ay Xabashida ugu dari lahayd.
Waxaan ognahay qoomka kaliya Afrikaanka ah ee ka qaybgalay afrtameeyadii
qaybsiga Afrika ay Yurubiyanku ku qaybsanayeen in ay ahaayeen Xabashida.
Waxayna qayb ahaan u heleen Soomaalida Dhulkeeda.
Kadib markii dhul aad u wayn oo Soomaali leedahay In griisku siiyey, waxaad ogtihiin
in ay na sidaa Xabashi nooga harine ay Lixdameeyedii dagaal nagu soo qaaday.
Todobaatameeyadiina sida laga wada warqabo dagaal culus uu ku dhexmaray
geesiyada Soomaalida iyo damaaciyiinta Xabashida. Kaas oo ku dhamaaday sidii
dhici jirtay, markii geesiyadii Soomaali ay dabada kaga dheceen dulaysanayaashii damaca dheeraa "Xabashida"
in ay caawiyaan Gaalada cad cadeeyd.
Waxaa nasiib darra ah, taariikhdoo ah udub-dhexaadka hoggaansha dunidu dhamaanteed, in ay Somalidu
ayna waxba ku qaadan kana faa’iidaysan, waxii shalay dhacay sidii umushiina ay u iloobaan cadawgoodii soo
jireenka ahaa. Waxaan ka ss danan, inay cadawgoodii maanta Soomaali ka dhigatay una qaadatay
walaalkooda ugu qaalisan, waxkastana lagu aamini karo. Hadaba, Soomaali may iloowaday:
- Dagaalkii Axmad Guray sababtuu u dhacay iyo taariikhda uu ku leeyahay Xabashida iyo Soomaalida
- qadiyadooda soo jireenka ah.
- Dagaalkii 1964tii iyo waxay Xabashi u socotay; Burburinta qaranimada Soomaali.
- Dagaalkii 1977dii maxuu ahaa, maxaase loo dagaalamay?
- Qadsashadii ay xabashidu qabsadeen Balan-Bale iyo Gol-Dogob. sideese u dhacday?
- Xabashi hubkii ay isugu dhiibaysay Qabiilada Soomaaliyeed sagaashameeyadii. Ma waxay ahayd jacal
- walaaltinimo oo ay nooqabaan mise nacab bay ahayd?
Waxaa xusniin mudan, in la kala ogaado astaamaha iyo xeeladaha cadawga uu noomaleegayo. Hadaad
taariikhda Itoobiya hadii aad wax ka taqaano, waxaa xusid mudan dhawr xeeladood oo ay Xabashidu ku
qabsadeen qoomiyado ka mida ah qoomiyadaha Islaamka Geeska Afrika.
- Qoomiyada Oromada: Kadib markii ay bur bur tay midnimadii Dawladii Islaamka waxaa ka bilawday
Geeska Africa Islaamkoodii in ay u kala baxaan maamul qabiileedyo kala duwan. Waxaa markaa
xabashida ay is ticmaaleen boqortooyadii Gobana, ee reer Wallo, taas oo ay kula heshiiyeen in uu
Goobana noqondoono boqorka u taliya dhamaan qoomiyadaha Oromada iyo Xabashida, ayna ku
caawinayaan sidii uu Boqortooyooyinka kale u qabsan lahaa. Waxaana la siiyey gabadh Tigree ah oo
kadib markii uu mid mid uqabsaday, isagii ka taqalustay, maadaama ujeedadii laga lahaa laga gaaray.
Sidaas ayaa dhulkii Oromada lagu qabsaday. Ogoowe ilaa iyo haddana Oromo waa xornomo raadis.
- Qoomiyada Eritreya: Markii lasoo gaaray waqtigii gobonimada Afrika lixdameeyadii, ayaa iyadoo
xabashidu ayna ka madhnayn, go'aan lagu gaadhay, in Eritriya aan xornimo lasiin iyadoo loogu
andacoonayo in aysan habka ismaamulka duwaliga ah ay waxba ka faa'iidaysan gumaystihii Talyaaniga.
Kadib waxaa halkaa si walaaltinimo ah muujiyey Boqrkii Xayle Salaase oo yiri "anaga ayaa walaalahayo
la dhisayna dawladooda". Labo snao kadibna Baarlamaan ay Xabashidu dhoodhoobtay soona xusheen
ayaa laga qaaday afti; lagu waydiinayao in ay xornimadooda doonayaan iyo in ay walaalahood la
midoobayaan. Baarlamaankaas oo laga soo shaqeeyeyna waxay doorteen in ay walaalhaood xabashi
ay la midoobaan. Waxay Eriteriyiinta ku qaadatay 30 sano in ay xornimadoodii kula soo noqdaan,
dadbadana waa uga dhinteen, duunyabadana way uga bur burtay.
Hadaba, anagoo labadaas qodob tixraacayna, aan garab dhigno waxa hada ka socda Geeska Afrika.
Dawlada Itoobiya waxay nagu caawinaysaa sidii aan dawlad u soo dhisan lahayd iyadoo Baarlamaankeena
iyo Dawlada Federalka ah lug ku lahayd. Saw lama odhan karo waa tii Ereteriya ku dhacday? Haa!! Waliba
ciidankoodii ayaa dawlada caawinaya in ay ciidan u dhisaan kana ilaaliyaan Soomaalida kale.
Raiisal Wasaaraha Dawlada Federalka xaaskiisu waa Tigree ay Malis wax isku yihiin, waxaana wadata oo
heshiis aan la ogayn uu ka dhaxeeyaa Xabashida!!! maan taana la odhan karin waa Goobanihii Soomaalida,
sidii Oromada lagula wareegay dhulkooda iyagana looga dhigay cabiida. Waxaana kuu sii dheer;
Madaxwaynaha aa ah kii usoo horseeday una hoosaasiyey xabashida sideetameeyadii in ay qabsadaan
Goldogob iyo Balanbale, isagoo doonayey in uu Madaxwayne ka noqdo Soomaaliya.
Inkastoo wax-garadka Somaliyeed ay u taagnaayeen iska caabinta cadowgooda "Xabahsi", hadana waxaa taa
caqabad ku ah marwalba wax magaradka illowsha dhow ee Somaliyeed oo cadowgooda iyo Walaalkood aan
kala garan karin. Wax ma gardnimadaas qayka mid ah Soomaali ay leedahay waxay hore noogu keentay in ay
Xabshidu qabsadaan Dhulkii Soomaali Galbeed, sidoo kale in Kenya lagu daro NFD. Maantana wax magaratadii
oo is uruursatay waxay soo wadaan in intii kale ee Soomaali xorta ahayd ay dhulkoodii iibiyaan, una gacan
galiyaan Xabashi oo waligeedba ku taamaysay in ay dhulka Soomaali yeelato, dulaysana qoomiyada qaaliga ah
ee Soomaaliyeed.
Akhriste, bal eeg meesha haatan xaalku marayo iyo waxa laga dhaxlay taariikhdii sooyaalka ahayd Somaliyeed.
Maalin aan sidaa u sii dheerayn ayaa waxaa hadlay wasiir Somaliyeed oo dafirayay Xabashida dalka lagu soo
hoggaanimayo. Wuxuu yiri "waxay ay dadku arkeen, xabashida moodayaan, waa ciidanka Xoogga Dalka
Somaliyeed oo qaba dharka ciidamada Ethiopia". Waxay ciidamada Xabashidu haatan xaadir ku yihiin goballada
dalka badankood oo ay ka mid-yihiin; Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan, Galguduud, iyo Mudug, inta kalana qattar
ayay ugu jiraan in ay u gacan-galaan. Waliba waxaa intaa sii dheer in uu cadawgu si qar-qarsoodi lahayn uu
ugu qudbaynayo Madaxda Soomaalida in ay ka soo hor jeedaan Wadaadada iyo waxii doonaya in Diin Islaan
lagu maamulo Soomaaliya, ooyna lee yihiin waxay nagu yihiin cadaw culumada Islaamka oo magacyo badan oo
cay ah lagu sheegayo. Sidoo kale, maanta cadawga intuu soo dhaafay weerar uu qaado iyo xudduud uu
gooyo, ayaa wuxuu marayaa in uu si toos ah ugu hadlo afka Madaxwaynaha, Ra’iisul Wazaaraha, iyo waziirada
Somaliyeed badankood. Halkee Soomaali maraysaa bal Akhristoow.
Gabo gabadii, waxaan kula talinayaa shacabka Somaliyeed in ay hurdada ka kacaan, kala gartaan
cadowgooda iyo saaxiibkooda, cidda rabitaankaaga ka talisa iyo cidda hagar-daaminaysa. Waa in ay dib ugu
laabtaan taariikhda kana cabir-qaataan. Waa in ay isku tashadaan ogaadaanna qattarta lala maagganyahay
iyo cadawga ujeedooyinkiisa. Waxaan qofwalba kula talin lahaa in uu ogaado, wax kasta oo Soomaali
dhexdeed ka dhaca waa la xalin karaa, laakiin haddii ay dhacdo in ay Xabashi dhibaatadii nahaysatay ay ku
soo biirto xaalku ma fududaan doono, waxayna ku danbayndoontaa, Dhiig, baaba'a, burbur horleh iyo Soomaali
oo dib ugu dagaalanta xornimadeeda. Halaga foojignaado Arintan cusub wabilaahi toowfiiq.
Warsame A. Cabdilahi
Seattle, WA, USA.
Emasraw@hotmail.com

Boga Fikradaha Opinion Page ___________________
Spy master and his ( NSS ) War Criminal colleagues. Yusuf Abdilahi Janaale — Oslo, Norway — 12 October, 2006 _______________________ Gabay ayaa ku cabiray sida aan dareen sanahay qadiyada: Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. _______________________ Halkee lagu iloobay danbiyada laga galay Shiyuukhda? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ KULMIYE Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa. Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 08 October, 2006 _______________________ MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN CULIMADA SOMALIA IYO SOMALILAND? Osman Omar Dool — Oslo Norway. — 13 October, 2006 _______________________ Baaq ay soo Saareen Dhallinyaro Reer Ceerigaabo ah Dhalin-Yarada Reer Ceeri-Gaabo — Ceeri Gaabo, Sanaag. — 13 October, 2006 _______________________ Xukuumaddeenuna Ma Naafay Noqotay? Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed — Hargaysa- Somaliland _______________________ Ma cadawgii Soomaalida (xabashi) ayaa noqday Walaalkeena cususb? Warsame Axmed Cabdilahi — Seattle, WA, USA — 09 October, 2006 _______________________ President Rayale And Puntland State Present The Biggest Threat To Somaliland; Not The UIC Dahir A. Jama — London, UK — 16 October, 2006 _______________________ “Haddee Ninka Maanta Sheekh Ii Malayn Ayaa Rag U Liita” Cabdilaahi Geel-Jire — Toronto, Canada — 25 October, 2006. _______________________ The threats of the Islamists should not sidetrack Somalilan Dr. Mohamed A Omar — London, UK — 29 October, 2006 _________________
|
|