Magaalada Beel-Waynta.
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku heyta Magaalada Beledweyne.

Jijigawe News   Beledweyne, Soomaaliya   Sabti, Jun 28, 2008

Xoogag ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ee
xarunta u gobalka Hiiraan kadib markii xalay xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne
ay isaga guureen Ciidamadii Itoobiya ee jooga.

Xoogagga Maxkamadaha ayaa markii ay gudaha u soo galeen Magaalada waxaa ay abaareen Xarunta
Maamulka Gobalka Hiiraan oo xiligaa ay ku xoonsanaayeen dad weyne bilillqeysanayay agabkii yaalay
gudaha Xaruta iyaga oo kala ceyriyay kooxihii bililiqada geysanayay.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada oo la hadlayay dad isku soo baxay ayaa u sheegay in lays dajiyo
lana dhowro xasiloonida isaga oo intaas ku daray sida uu hadalka u dhigay in wixii hadda ka danbeeyay
Islaamku ka talin doono Magaalada Beledweyne, isla markaana aan loo oglaan doonin Gaalada in ay
haweenka iyo Caruurta iska dhax joogaan.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray Sarkaalkan in goor dhaw ay soo gaari doonaan Magaalada
Mas'uuliyiinta ka tirsan Maxkamadaha kuwaas oo dadka la hadli doona una sheeegi doona ayuu yiri
Mowqifka Midowga Maxkamadaha Islaamka.
____________________________________________________________________________________

Kooxo islaami ah oo qabsaday Degmada Xudur.

Mogadishu, Sabti ,28,June, 2008, (Jijigawe News)


Ugu yaraan 7 ruux oo uu ka mid ah yahay Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo loo
yaqaano(Toll) ayaa ku dhaawacmey dagaalka ka dhacay degmada Xudur ee Gobolka Bakool iyadoo
kooxaha degmada Xudur saaka la wareegay ay ka gacanta ku dhigeen sida la sheegay labo ruux oo
Ajaanib ah

Waxa la waayay qadka isgaarsiinta ee degmada Xudur markii ay kooxahani galeen degmadaasi waxana
wararku sheegayaan in daryanka hubka culus la maqlayay.

Sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen ilo wareedyo kusugan magaalooyin ka agdhaw degmada Xudur,waxa
dagaalamay Ciidamada Maamulka degmada Xuqur iyo Kooxo hubeysan oo islaami ah oo saaka dagaal
culus ku soo qaaday.

ilaa iminka ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkan.

ugu yaraan 6 ruux oo uu ka mid ah yahay Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo loo
yaqaano Toll ayaa ku dhaawacmey dagaalka ka dhacay degmadaasi iyadoo kooxaha degmada Xudur
saaka la wareegay ay ka gacanta ku dhigeen labo ruux oo Ajaanib ah. waxana gudoomiyaha dhaawaciisa
lagu daweynaya sida wararku sheegayaan xarun caafimad oo Hay'adda MSF ku leedahay degmada Xudur.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Bakool Maxamed Cabdi ayaa isaga cararay degmada Xudur kadib markii
kooxaha weerarka ku soo qaaday degmadaasi qabsadeen qaar ka mid ah gaadiidka saraakiisha
Maamulka gobolkaasi.

dhaawacyada kale ayaa lagu waramayaa inay u badanyihiin ciidamada Maamulka degmadaasi iyadoo
xoogaga qabsaday saakay degmada Xudur ay isaga baxeen.

sidoo kale wararka lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xoogagani ay afduubteen labo qof oo ajaanib ah
iyo darawal gaari u waday dadkaasi, kuwaas oo u shaqaynayay Hay'add Miinada Baarta (Mine Action) oo
hoostagta UNDP.

Warsame Abdilahi.
Jijagwe News.

Madaxweynaha JSL Mudane
Daahir Rayaale Kaahin.
Magaaladda Laas Caanood
oo ay weli ka taagantahay
xiisad colaadeed oo aad u
qaraar. Waraysi qani
C/llaahi Cirbad.
Mon-01-Oct-2007.
Madaxwene Rayaale oo magacaabay 6 gobol iyo 16 Degmo, iyo dadweynaa magaalada Hargeysa oo
dareemo kala duwan ka bixiyay.

Jijigawe News — Hargaysa, Soomaaliland — Axad, March 23 2008

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray Lix Xeer Madaxweyne , oo uu
Lix gobol oo Cusub ugu magacaabay  dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo 16 Degmo oo cusub.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL ayaa u qornaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu soo saaray
Maanta  Lix Xeer Madaxweyne, oo uu Lix Gobol oo Cusub ugu Magacaabay Dalka Jamhuuriyadda
Somaliland, Gobolladaasi oo kala ah;

  1. Gobolka  Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY,
  2. Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonasyo BADHAN,
  3. Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOODEe,
  4. Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC ,  
  5. Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso Caynabo.
  6. Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne.

Waxa kale oo Madaxweynuhu soo saaray 16 Xeer Madaxweyne oo uu 16 Degmo oo Cusub ku
magacaabay, Degmooyinka la magacaabay iyo Gobollada ay ka tirsan yihiin waxay kala yihiin sedan:   

  1. Degmada WAJAALE oo ka tirsanaan doonta Gobolka GABILEY.
  2. Demgada WIDH-WIDH oo ka tirsanana doonta Goblka Buuhoodle.
  3. Degmada QORULUGAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle.
  4. Degmada GO’DA WEYN oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil.
  5. Degmada HARASHEEKH oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne.
  6. Degmada RAYDAB KHAATUMO oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne
  7. Degmada GARBA DADAR oo ka tirsanaan doonta gobolka SALAL.
  8. Degmada BOON oo ka tirsanaan Doonta gobolka SALAL.
  9. Degmada XARIIRAD oo ka tirsanaan doonta Gobolka SALAL.
  10. Degmada LAASCIIDLE oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saaxil.
  11. Degmada WAR-IDAAD oo ka tirsanaan doonta gobolka SARAAR .
  12. Degmada CEELAL oo ka tirsanaan doonta Gobolka SARAAR.
  13. Degmada WAR-CIMRAAN oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer
  14. Degmada MAGAALO CAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Awdal.
  15. Degmada XAAJI SAALAX oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne.
  16. Degmada KALABAYDH oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Waxa isla Maanta Madaxweynuhu soo saaray Wareegto uu ugu gudbinayo Wasaarada Arrimaha Gudaha
Xeerarkan isugu jira Magacaabis Gobolo iyo Degmooyin , taasi oo uu kula socodsiinayo in gobolladaasi iyo
degmooyinka uu magacaabay aanay haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan doonin Doorashooyinka
Soo Socda.

Waxa kale oo uu qoraalkan ku sheegay Madaxweynuhu in Doorashooyinku ugaga dhici doonaan sidii
markii hore ay ugu  qorshaysnaayeen in ay dalka uga dhacaan , qiimaynta gobollada iyo degmooyinku,
waxay ku salaysnaan doonaan buuxinta shuruudaha ku xusan qodobka saddexaad ee Xeerka Gobollada
iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland’’

Warsame Abdilahi.
Jijagwe News.
[ Yahoo! ] options