 |
|
|
UN.
|
|
|
|
Dhageeso-Wararka aanu ka heleyno Deegaanada ay saakay dagaaladu ka bilowdeen ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay haatan ku .»»!!!!.
|
|
|
|
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo weerar hubeysan ku qaaday Itoobiyaanka ku sugan G/ceel.
Muqdisho, Soomaaliya. -- Axad,29,June, 2008 -- Jijigawe.com
Xoogaga mucaaradka ee Al-shabaab ayaa xalay dagaal kala hortay askarta Itoobiya ee maalintii shalayto ahayd fariisimada ciidan ka sameystay magaalada G/ceel, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan afar qofood oo rayid ahaa tiro kalana dhaawacyo ay gaareen.
Inkasta oo aan rasmiyan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay hadana dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in mid ka mid ahaa mitidiintooda uu kaga dhintay dagaalka ay qaadeen, sida askarta Itoobiyaanka looga bartayna ma jiraan wax tafaasiil ah oo ka baxsheen dagaalkaasi.
Guudimiyaha degmadaasi Gura ceel Cali Sheekh Maxamuud ayaa idaacada HornAfrik u xaqiijiyay in ilaa afar rayid ahaa ay ku nafwaayeen duqeyn Itoobiyaanka ay ka geysteen qaybo ka mida xaafadaha degmada iyadoo sidoo kala dhaawaco badani ay jiraan.
Sida uu ku soo waramayo wariyahayaga C/kaafi Xaashi Faarax oo soo gaaray G/ceelna waxa uu indhahiisa ku soo arkay dhaawacyo ka badan shan oo qaarkood iminkaba lagu dabiibao gudaha isbitaalka caafimaadka ee Istarliin, kuwaasi oo la dhibtoonaya waxyeeladii ka soo gaartay madaafiic ugu timid guryahooda ka gadaal dagaalkii xalay ka qarxay magaaladaasi.
Intii badneyd dadkii ku dhaqnaa G/ceel ayaa banaanka uga baxay waxa ayna haatan ku dayacan yihiin daafaha magaalada sida wararku dheerigaa ay sheegayaana barakacayaasha ayaa u badan haween, caruur iyo da’ahaan dad janjeersaday oo gacmaha kuwata caruur isuma qadaa oo qulqulatooyinka ay guryahooda ka saareen xalay.
Wararka ugu dambeeya ee aynu ka helayno G/ceel ayaa sheegaya in guud ahaan ay maanta xiran yihiin goobihii gacansi ee degmada isku socodkii gaadiidkuna uusanba jirin dadkuna ay weli baqdin xoogle ay dareemayaan. ____________________________________________________________________________________ _
Ciidamada Maxaakiimta oo soo daayay ajaanib ay ka wateen Xudur.
Mogadishu, Soomaaliya -- Sunday ,29,June, 2008 -- Jijigawe News.
Afhayeenka dhinaca howl-galada Maxaakiimta Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise oo la soo xariiray shirkada Warbaahinta HornAfrikna ayaa sheegay in aysan afduuban shaqaalaha UNka, balse halkaa ka kaxeeyeen si buu yiri ay uga samatabixiyaan dagaal iyo qas ka dhacay Xudur ka dibna ay ku wareejiyeen cuqaasha gobolka si loo gaar siiyo xaafiiska guud ee hay’adii ay ka shaqaynayeen ee miino baarista.
Sheekha ayaa sidoo kale iska fogeeyay in marnaba aysan qorshaha ugu jirin inay beegsadaan samafalayaasha wadaniga iyo kuwa caalamigaa ee howlaha ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
Howl wadeenadaasi labada ah ayaa u kala dhashay wadamada Denmark iyo Sweden oo mudo kooban ay gacanta ku hayeen ciidamada Maxkamadaha ayaa la sii daayay goor dambe oo galabta ahayd ka dib wada hadalo nabdeed oo ay gacan ka geysteen odayaasha degmada Xudur ee gobolkaasi Bakool.
Shaqaalaha la soo daayay ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax dhibaato ah kala kulmin Maxaakiimta intii ay gacanta ugu jireen , wararka qaarkoodna waxa ay tibaaxayaan in lala soo daayay nin darawal ahaa oo gaari u waday ajaanibtaasi.
Shaqaalahaasi labada ah ayaa ka howl-galayay xiligii la afduubanayay hay’ada miino baarista Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ugu qaybsan ee Mine Action, waxa ayna mudooyinkii dambe gobolka Bakool howlo kala wadeen hay’ada hormarinta mashaariicda ee UNDP.
Qaramada Midoobay oo hadal bayaan ahaa ka soo saartay xalay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa si weyn ugu u soo dhaweysay tilaabadaasi dib loogu soo daayay shaqaalahooda mudada saacada ah ku maqnaa gacanta ciidamada Maxaakiimta Islaamka ee ka watay magaalada Xudur ee xarun goboleedka gobolkaasi Bakool.
Warsame Abdilahi. Jijagwe News.
|
|
|
Iska hor imaad ka dhacay goordhaweyd Degmada wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.
Jawhar, Soomaaliya. -- Sabti, Apr 26, 2008 -- Jijigawe.com
Hal ruux ayaa ku geeriyooday Ilaa afar qofood ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad maanta ka dhacay Degmada wardhigleey ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhaawacmey ayaa iyo kuwa geeriyooday ay yihiin dada rayida, iyadoo ninka dhintay uu wali yaalo goobta uu ku dhintay oo aan ka fogayn Masaajidka xararyaale ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu dhexmarey Ciidamada dowlada fadaraalka iyo koogaga ka soo horjeeda, iyadoo dagaalka laysku adeegsadey Hubka nuuc yadiisa kala duwan.
Halkan ka dhagayso:
Halkan Ka Daawo Warka Universal TV new: ____________________________________________________________________________________ ___ Ciidamada Cadawga ah ee Xabashida oo saaka isku fidiyay Degmada Dayniile.
Mogadishu, Sabti, Apr 26, 2008 Jijigawe News
Ciidamada dowlada itoobiya ayaa saakay isku fidiyay qeybo ka mid ah Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho,halkaasoo ay howlgalo ka bilaabeen taasoo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
cutubyo ka tirsan ciidamada itoobiya ee saldhiyada ku leh garoobnka ciyaaraha istaadiya Muqdisho iyo wasaaradii hore ee gaashaandhiga ayaa saakay gudaha u galay xaafado ka mid degmada dayniile ee gobolka Banadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada itoobiya bilaabeen howlgalo guri guri ah iyadoo qaar ka mid ah dadkii halkaasi deganaa ay saakay ka sii carareen markii ay ciidamada itoobiya gudaha u galeen.
deegaanada ay galeen ciidamada itoobiya saakay waxa ka mid ah,Tiida,Barwaaqo,Ciise-Cabdi,Gubta,Dibilay iyo xaafado kale oo ka mid ah Degmada Dayniinle.
sidoo kale Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay inay galeen xarunta jaamacada Muqdisho oo ku taala agagaarka qabuuraha Barakaat waxana wararku sheegayaan in xalay ay halkaasi ku waabariisteen itoobiyaanku.
lama oga sababta ciidamada itoobiya u galeen xaafadahaasi iyadoo dadkii daganaa inta badan ay ka carareen waxana qaar ka mid ah deegaanadaasi ay ahayeen kuwii ay ku barakaceen qoysaska ku dhaqan degmada dayniinle qaar kood.
Ciidamada itoobiya ayaa markii ay howlgalo nuucaan ah fuliyaan waxa ay iska hor'imaadyo kala kulmaan kooxaha kacdoonka ka wada dalka soomaaliya ee diidan joogitaanka itoobiyaanka.
horaantii todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada itoobiya ay dagaalo kula galeen kooxaha ka soo horjeeda qaar ka mid ah deegaanada ay saakay galeen iyo degmada huriwaa iyadoo ciidamada itoobiya xiligaasi ay dileen dad rayid ah oo ay ka mid ahaayeen culuma diin caan oo uu ka mid ahaa sheekh Saciid Yaxe.
Warsame Abdilahi. Jijagwe News.
|
|