[ Yahoo! ] options
Ciidamada Sooma jeedsade
yaasha
.
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaal culus ku dhaxmaray daafaha
Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Jijigawe News — Johannesburg, South Afrika — Talaado, July 1 , 2008

Warar Xog-ogaal ah oo ka soo baxaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal
culus oo laysku weydaarsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ku dhaxmarayo Xoogagga Maxkamadaha
Islaamiga iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-
gaduud.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Dagaalka hadda ka socda daafaha Degmada Matabaan in uu u
dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha oo ka yimid Degmada Guri-ceel halka kuwo kale oo ka tirsan
isla Maxkamadaha  kana  tagay Magaalada Beledweyne ku sugan yihiin halka lagu magacaabo (Qabno) oo
ay dhigeen ciidamo difaac ah.

Dad rayid ah oo ku sugan Degmada Matabaan oo ay la hadashay HOL ayaa sheegay in ay gudaha
Degmada ku soo dhaceen dhowr madfac isla markaana dadka shacabka ah bilaabeen in ay isaga
caraaraan guryadooda si markaa ay uga fogaadaan waxyeelo ka dhalata hubka dhinacyadu is-
weydaarsanayaan.

Dhaq-dhaqaaqa Milatari iyo dagaallada laga soo sheegayo qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa walaac
iyo shakiba ku abuuray dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo ka cabsi qaba in ugu danbeytii
dagaalku ku soo fido deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada, maadaama Ciidamada Itoobiyaanka ah
doonayaan in ay soo gaaraan fariisinkoodii hore ee Jante-kuundisho oo hadda xarun u ah Xoogagga
Makamadaha.

Warsame Abdilahi.
Jijagwe News.
R/Wasaare Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde).
Ra'iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo soo magacaabay Golihiisii Wasiirada.

Jijgawe News — MUQDISHU, Soomaaliya — Axad, Dec 2 , 2007

R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa  maanta soo magacaabay golihiisii wasiirada.
Magacyada Cusub ee kuwii hore ku soo biiray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda oo loo
magacaabey Maxamed Cali Xaamud  iyo Cabdiraxman Cabdi Xuseen  oo isna loo magacaabay Wasiirka
Warfaafinta. Labadan wasiir ayaan laga soo dhex saaran Baarlamaanka Dowladda Federalka.

  • Wasiirada.

  1. Xil. Saalim Caliyow Ibrow                         R/W/X Wasaarada Hidaha & Tacliinta Sare
  2. Xil. Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf            RWX   Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  3. Xil. Maxamed Cali Xirsi                              Wasaaradda Howlaha Guud & Guriyeynta   
  4. Xil. Cali Maxamed Maxamuud Xareed       Wasaaradda Dalxiiska
  5. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye                    Wasaaradda Haweenka
  6. Mr. Cabdiraxman Cabdi Xuseen               Wasaaradda Warfaafinta
  7. Xil. Ismaciil Maxamuud Hure                     Wasaaradda Waxbarashada
  8. Xil. Xusseen Ceelaabe Faahiye                Wasaaradda Qorsheynta
  9. Xil . Drs. Qamar Aadan Ali                        Wasaaradda Caafimaadka
  10. Xil. Ismaaciil Axmed Nuur                         Wasaaradda Gaashaandhigga
  11. Xil. Cabdi Xaashi Cabdullaahi                   Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda
  12. Xil. Maxamed Cabdulaahi  Kaamil             Wasaaradda Warshadaha
  13. Xil. Xassan Maxamed Nuur                       Wasaaradda Amniga Qaranka
  14. Xil. Maxamed Nuuraani Bakar                   Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  15. Xil Ibrahim Isaq Yarow                             Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
  16. Mr. Maxamed Cali Xaamud                       Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga C
  17. Xil. Maxamed Ibraahim Xaabsade            Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  18. Xil. Madoobe Nuunow M.                          Wasaaradda Dhallinyada & Isboortiga
  19. Xil. Cabdi Mohamed Tarah                        Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta
  20. Xil. Axmed Jaamca Jengeli                        Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
  21. Xil. Cali Ismaaciil Cabdi Giir                      Wasaaradda Gadiidka Badda & Dekedaha
  22. Xil. Cabdiraxmaan Jaamac Abdalla           W/ Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  23. Xil. Maxamed Yusuf Weyrax                     Wasaaradda Maaliyadda
  24. Xil. Cabdullaahi Yusuf Maxamed              Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  25. Xil. Cabdirisaaq Isaaq Biixi                      Wasaaradda DibU dhiska iyo Dib U Dejinta
  26. Xil. Maxamed Maxamuud Guuleed           Wasaaradda Arrimaha gudaha
  27. Xil. Abdulaahi Axmed Afrax                      Wasaaradda Ganacsiga
  28. Xil. Xassan Dhimbil Warsame                  Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
  29. Xil. Cabdulqaadir Nuur Caraale               Wasaaradda Beeraha
  30. Xil. Cali Cabdulaahi Cosoble                   Wasaaradda Dib U heshiisiinta
  31. Xil. Muuse Nuur Amiin                             Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

  • Wasiiru- Dawlayaasha.

  1. Xil. Sh. Aden Sh. Maxamed Deer          Wasaaradda Dib U heshiisiinta
  2. Xil. Cali Maxamuud Cabdi (Langare)     Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib U Dejinta
  3. Xil. Maxamed Maxamud Xeyd               Wasaaradda Gaashaandhigga
  4. Xil. Barre Ugaas                                    Wasaaradda Warfaafinta
  5. Xil. Maxamed Axmed Kulan                   Wasaaradda Beeraha
  6. Xil. Ibrahim  Maxamud Isaaq                Wasaaradda Qorsheynta
  7. Xil. Axmed Cumar Gaagaale                 Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta
  8. Xil. Saalax Ismaaciil Sakaawe              Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  9. Xil. Maxamed Xuseen Caddow             Wasaaradda Arrimaha Dibedda
  10. Xil. Bootaan Ciise Caalin                      Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka
  11. Xil. Cabdikariin Cige Guuleed               Wasaaradda Maaliyadda

  • Wasiir Ku-xigeenada.

  1. Xil. Fahma Axmed Nuur                            Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Xil. Xassan Ibrahim Maxamed                  Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  3. Xil. Sh. Jamac Xaaji Xuseen                      Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  4. Xil. Axmed Ciise Cawale Yare                    Wasaaradda  Dhallinyarada & Isboortiga
  5. Xil. Maxamed Ismaciil Bulbul                      Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
  6. Xil. Caasha Cabdullahi Ciise                       Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska
  7. Xil. Cabdirahman Ismail Dirir                      Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
  8. Xil. Maxamed Cabdi Cawad                        Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib u Dejinta
  9. Xil.Maxamed Cali Daheeye                         Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
  10. Xil. Xassan Buraale Maxamed                    Wasaaradda Garsoorka
  11. Xil. Sharif Cali Maxamed Abukar                 Wasaaradda Warshadaha
  12. Xil. Cabdi Kaafi Xassan                              Wasaaradda Ganacsiga
  13. Xil. Cabdi Xaaji Yariis                                 Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka
  14. Xil. Khaliif Sheekh Cabdullahi                     Wasaaradda Beeraha
  15. Xil. Maxamud Cabdi Xasan (Bekos)            Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  16. Xil. Amiin Axmed Sheekh                            Wasaaradda Maaliyadda
  17. Xil. Cali Maxamed Nuur                              Wasaaradda Degaanka
  18. Xil. Xassan Cabdi Guure                             Wasaaradda Dib U heshiisiinta
  19. Xil. Cabdullahi Axmed Cabdille                    Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  20. Xil. Cabdirahman Sh. Ismaaciil                    Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  21. Xil. Maxamud Axmed Kulalihi                       Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga C
  22. Ms. Jamila Siciid Muuse                               Wasaaradda Qorshaynta
  23. Xil. Maxamed Maxamud Indhageel             Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
  24. Xil. Cabdulaahi Bile Nuur                            Wasaaradda Waxbarashada
  25. Xil. Ciise Weheliye Maalin                           Wasaaradda Caafimaadka
  26. Xil. Salaad Cali Jeelle                                  Wasaaradda Gaashaandhigga
  27. Xil. Cumar Adan Xassan                              Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
  28. Xil. Maxamed Sh. Isaaq Abaadir                  Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha
  29. Xil. Xirsi Adan Rooble Afrax                          Wasaaradda Warfaafinta
  30. Xil. Maxamed Xassan Ibraahim (Qoone)      Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda
  31. Xil. Bashir Maxamed Aden                            Wasaaradda Amniga Qaranka.

- Xildhibaanada Qabiiladooda halaan ka akhriso: