|
 |
|
Guri-Ceel.
|
|
|
|
Ciidamadii Itoobiya ee saaka ka ruqaansaday magaalada B/weyne oo gaaray degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud oo si toos ahna u abaaray Guriga Ugaaska Cayrka.
Jijigawe.com — Jijiga, Soomaali Galbeed — Sabti, 3da, May 2008
Duhurnimadii maanta ayaa degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka ambabaxay saldhiga Gante kun dishe oo ku yaala duleedka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo watay illaa 30 gaari oo isugu jira kuwa lagu daad gureeyo ciidamada iyo kuwa dagaalka ee madaafiicda jiida ayaa lagu soo waramayaa iney mareen wadada laamiga ah ee dhexmarta degmadaasi, iyagoo muddo saacado ahna ku nastay halka loo yaqaano jaamacada oo ku taala duleedka woqooyi ee degmada Guriceel.
Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Guriceel oo ka sii war helay ciidamadan intii ay wadada ku soo jireen ayaa si feejigan uga fogaanayey wadada laamiga ah ee dhexmarta deegaankaasi oo ay isticmaalayeen ciidamada Itoobiya ee halkaasi gaaray, waxaana dadka ka muuqday walaac aad u badan. iyadoo alabadana loo laabay goobihii ganacsiga ee ku teedsanaa wadada hareeraheeda.
Sidoo kale waxay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan markii ay tageen ciidamada Itoobiya degmada Guri- Ceel ay toos u abaareen guriga Ugaaska beesha cay Ugaas Xassan oomagaalad hdnka bari kaga aadan halkaas oo laga yaabo in ay kulan kula yeeshaan sida aan ilo lagu kalsoon yahay ka maqalay. Lama oga ilaaiyo hadda sababaha ay u abaarayaan Ugaaska. Waxaa warar kale ay sheegayaan in ay ciidamadaaasi cadawga ah ay u siigudbaan magaalda xadka saaran ee Balan-Bale halkaa oo ay uga gudbidoonaan dhankaas iyo Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya aya la sheegay iney dib ugu soo laabteen gudaha degmada Guriceel ka dib markii in cabaar ay ku nasteen duleedka degmadaasi, waxyna halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo milateri iyagoo ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi inkastoo aan la soo sheegin illaa hadda baaritaano ay sameeyeen iyo dad ay soo qabqabteen intaba.
Lama oga ujeedada ay ciidamada Itoobiya u tageen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud hase ahaatee maahan markii ugu horeysay ee ciidamo Itoobiyaan ah ay gaaraan degmada Guriceel, waxaana horey ay degmadaasi u tageen muddo labo jeer ah, mana jirin dhibaatooyin waaweyn oo ciidamada Itoobiya ay halkaasi kala kulmeen socdaaladii ay horey ugu tageen
Warsame Abdilahi Jijgawe News
|
|
|
Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii maanta, Sabti, 01 March 08.
Jijigawe.com — Muqdisho, Soomaaliya — Isniin, 11 Febraayo 2008
“Xalka keliyee loo hayo dalalka ay xaq-darradu barriinsatay sida S/Land waa in been uun lagu sabaaleeyo”
“Shiinuhu ma ogolaan doono Taiwan oo tagta, Ciraaqiyiintu ma hannaynayaan Kurdistan, Soomaaliya ma sii dayn doonto Somaliland!” Madxafka Madaxweyne Nixon-kii Maraykanka.
By Ted Galen Carpenter.
Washington DC (Ogaal)- Xarunta Madxafka Madaxweynihii Maraykanka ee Richard Nixon, ayaa Majlad toddobaadle ay saarto ku shaaciyay in adduunku uu wadamo aan la aqoonsanayn oo ay Somaliland ku jirto dareenkiisa soo siiyay, isla markaana ka digay khataro burbur ah oo ka iman kara qaar ka mid ah dalalkaas haddii aanay xaaladdahooda xilligani isbedelin.
Maqaal kooban oo ay arrintaa ka faafisay shabakadooda wararka ee The National Interest Online, waxa uu ku bilaabmay sidan; “Iyaga oo taagan qarqarka dareemadii caalamka ayay wadamo yihiin, balse dhamaanba taasi waa magacyadooda uun. Inkasta oo ay dalalkaasi si heer sare ah u yihiin qaramo shaqaynaya, ayaa kuwo kalena ay qarka u saaran yihiin inay burburaan oo ay dhintaan. Taiwan, Kurdistan, Somaliland, Kosovo, oo midkoodna aanu macne badan ugu fadhiyin aqoonsiga diblomaasiyadeed ee caalamiga ahi, ayaa haddana mid kastaa uu badanaaba isku maamulaa maamul wax-ku-ool ah, kuwaasoo sida caadiga ahba haysta dhaqaale yar iyo maamul dawladeed dhinaca siyaasadda ah oo lagu midaysan yahay. Hase yeeshee, waxa hortaagan, oo ay waajahayaan caqabado joogto ah: Lahaanshaha waraaqaha (dekumentiga ogolaanshaha aqoonsiga), kuwaasoo dalalkan xaq-darradu barriinsatay ay ka haystaan dalal kale. Shiinuhu ma ogolaan doono inay Jasiiradda Taiwan gaar isu taagto. Ciraaqiyiintu aad bay uga gaabinayaan inay haneeyaan awoodda maamulka Kurdistan. Seerbiya iyo Ruushku ma aqbali doonaan madaxbanaanida Jamhuuriyadda Kosovo. Soomaaliya ma sii dayn doonto Somaliland. Hase ahaatee, mid kasta oo dalalkaas ka mid ahi way ku dhawaaqi karayaan madaxbanaanidooda, isla markaana khilaafaadyo caalami ah ayaa ka qarxi kara. Cabsida laga qabo dagaalo ka dhaca dhulalka lagu muransan yahay weligeed waa mid soo taagnayd. Isla marka ay bilaabmaan khilaafaadyada dagaal, waxay abuuri karaan quwado kale. Xalka keliya ee loo hayo dalalkaa xaq- darrada lagu hayaa barriinsatay, waa in been hoose lagu sabaaleeyo, isla markaana loo raadiyo uun habkii loogu raaligelin lahaa inay sii wataan midawga dalalka ay doonayeen inay ka gaar uga baxaan.
Habka casriga ah ee caalamiga ahi maaha mid sidaa ugu wanaagsan inuu ku qalabaysnaado sidii loo qaabili lahaa aqoonsiga dalalka noocaas ah, sababta oo ah, waxa si fudud loo odhan karaa kuma haboona. Iyada oo lagaga hawlgelayo meelahaas nooca Eeriyooyin xaq-darrooyin lagu samaynayo, oo iyagana ay heerarkooda dhaqaale kala duwan yihiin, oo sidoo kale ay mararka qaarkood la yeeshaan xidhiidho dhaqan, diblomaasiyadeed oo aan toos ahayn bulshooyinka kale, ayaa haddana dalalkaasi ay haystaan inyar ama aanay haysaninba aqoonsigii caalamiga ahaa ee xuquuqdooda sharci ee jiritaanadooda. Balse, haddana taasi maaha mid u muuqata inay isbedel ku keenayso aaminaadda dadyowga ku kala nool dalalkaa gooni-isu- taaggooda aqoonsiga u raadinaya, lagamana yaabo inay go’aankooda kaga noqonayaan waqti dhaw.”
Dalabka Gudiga Komashanku ku doonayaan in lagu badalo xubinta Xisbiga UCID iyo dareenada ka dhashay.
Hargeysa (Ogaal)- Warar aanu ka helay dhinacyo kala duwan, ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Xaaji Bidaar oo ka tirsan Guddida doorashooyinka Qaranka, isla markaana ah xubinta Xisbiga UCID uu u soo magacaabay Komishanka laga gudbiyay dacwad ka dhan ah xubinnimadiisa, ka dib markii 6 xubnood ee kale ay isku dhinac iska taageen la-shaqayntiisa.
Mar aanu arrintaa wax ka waydiinay jiritaankeeda Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Md. Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay in aanu garanayn waraaq la sheegay inay komishanku u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale, taas oo ay ku dalbanayeen bedalka xubinta Xisbiga UCID kaga jirta Komishanka doorashooyinka Qaranka. “Adeer waqti uma hayo, su’aal iyo jawaab hadaad I tidhaahdo, waqti uma hayo. Adeer anigu ma garanayo waraaqdan la sheegayo…..ma garanayo, waxaanu u qornayna ma jiraan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Yuusuf, oo aanu xalay cawayskii khadka telefanka ku waydiinay xaqiiqda la xidhiidha qoraalka waraadka la sheegay in loo gudbiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Md. Maxamed Ismaaciil, oo ka tirsan Komishanka doorashooyinka Qaranka, oo isna arrintaa aanu wax ka waydiinay, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon, oo isla xalay uu ka soo laabtay safar uu Guddoomiye ku xigeenku ku wehelinayay oo ay shaqo-hawleed ku tageen gobollada bariga Somaliland. Hase ahaatee, ayuu yidhi Md. Maxamed Ismaaciil, “Wallaahay Adeer waan maqnaa, markaa waxba kalama socdo, ee kollayba berri (maanta) gelinka hore ayaanu shir-jaraa’id qabanaynaaye maxaa diidaya inaad iska sugto.” “Way jirtay in dacwaddiisu taagnayd, oo ninkani (Md. Axmed Xaaji Bidaar) nala shaqayn kari waayay. Intii aanu Burco joognay, ayaanu maqallay inaanu qolyihii galbeedka shaqada u tegay raacin. Markaa waraaqdiisuna way qornayd….dee markaa inay dhiibeen aad bay suuragal u tahay, laakiinse inay warqadii gudubtay iyo inkale ma kala hubo” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Maxamed Ismaaciil (Kabo-wayne).
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu arrintaa wax ka waydiino masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga UCID, noomay suuragelin, balse goor dambe oo aanu khadka talefoonka wax kaga waydiinay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Xasan Suldaan, waxa uu sheegay in khilaafaadka dhexyaalay Md. Axmed Xaaji Bidaar iyo lixda xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu ahaa mid muddoba soo jiitamayay, is-faham la’aan fara badana abuuray, oo taasina ay aakhirkii keliftay inay lixda xubnood go’aan ka gaadhaan xubinta 7aad. “Waa kii khilaafka xoogani dhex-yimi xubnaha komishanka ah iyo isaga (Axmed Xaaji Bidaar), markaa as-faham la’aan fara badan baa timi, isna waa kan dhawr iyo tobanka war-saxaafadeed soo saaray. Dabadeed wada-shaqayntoodii ayaa hagaagi wayday, markaa way tashadeen nimanku, maadaama aanay wada-shaqayn karaynin waxay ku tashadeen inuu Madaxweynuhu soo bedelo.” Sidaa waxa yidhi Md. Xasan Suldaan. “Aniga shalay (dorraad), waxa arrintaa iiga waramay xubno komishanka ka tirsan, markaa waxa ay u cuskadeenba waxay leeyihiin xeer-hoosaad u ogolaanaya inay shaqada ka joojiyaan xubintii markaa madmadow soo galo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Xasan Suldaan, ka dib mar aanu waydiinay cidda sharciga u leh in loo gudbiyo xubin komishanka ka tirsan oo la doonayo in la soo bedelo. Sidoo kalena, waxa uu xusay in xubinta la bedelayo uu Xisbigii soo doortay.
“Aniga waxa shalay (dorraad) ii cadeeyay inay waraaqdaa gudbiyeen xubin komishanka ka tirsan…..Jaamac (Iswidhan) baa ii xaqiijiyay.” Ayuu yidhi Md. Xasan Suldaan. Warar xog-ogaal ah ayaa iyana sheegay in shalay uu arrinta khilaafkaas soo dhex-galay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, isla markaana uu isu-geeyay Md. Axmed Xaaji Bidaar iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Yuusuf, oo taasina ay sababi karto in isla shalayba ay arrintaasi dhamaatay. Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya in Suldaanku uu dhexdhexaadintaa galay. Balse, horeba Xildhibaano isku deyay inay xal dhexdhexaad ah ku dhameeyaan khilaafkaas ayaanay u suuragelin inay guul ka gaadhaan.
Khilaafkani waxa la sheegay inuu ahaa mid muddoba soo jiitamayay, kaasoo wararka qaarkood sheegeen inuu yahay mid ka dhashay arrinta diiwaangelinta doorashooyinka, oo Mudanahaasi uu kaga fikir duwanaaday lixdii mudane ee kale ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Buurta Daalo oo dab laxaad lehi qabsaday iyo xaaladeeda.
Ceerigaabo(Ogaal/W.Waraka) - Dab ayaa ka kacay qaybo ka mid ah Buurta Daalo, Sida lagu faafiyay shabakada Wararka intarnetka ee Sanaag.Org
Warbixin uu ka diyaariyay waxa uu ku yidhi Wariyaha booqday goobta Dabku ka kacay. “Waxaa xalay saqdii dhexe dab qabasaday buurta Daalo ee dalxiiska caanka ku ah, buurtaas oo qiima weyn ugu fadhida dalkeena buurtaas oo 20km ka dhacda woyooyi magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
waxaan gaadhay galabta (shalay) saacadu markay ahayd 5:00 galabnimo anigoo uu safarkaa nagu weheliyey maayarka magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuu,r waxaa isla mariiba noo muuqday olol iyo qiiq cirka isku shareeray, goobtaa markii aan gaadhnay waxaanu ku arkay, dab balaadhan oo ku baahay ilaa 1- km in kasta oo aanu is hays haysan, hadana waxaad arkaysaa garoomo waaweyn oo uu dabku dhulkaas ka sameeyey, waxaa ka soconayey Gurmad aad iyo aad u laxaad leh gurmadkaas oo isugu jiray dadweynaha kala duwan iyo shaqaalaha ka shaqeeya deegaanka buurta Daallo oo ay fangarayso Hayada wadaniga ah ee Candle-light waxaa inayana gurmadka ku jiray wasaarada beeraha dadweyne kala duwan ururka dhalinyaradda ee Senyo oo wiilal iyo gabdhoba u soo gurmaday booyado magaaladda uga soo gurmaday, goobta dabku ka dhacayey in kasta oo bilogii hore dabka laga xakameeyey hadana dab laxaadleh ayaa ka baxayey aaga dadku aad bay ula xarbiyayeen in kasta oo agabka ay adeegsanayeen uu aad iyo aad u xaddidnaa, masuuliyiin badani kama muuqan aan ahayn Maayarka iyo taliye Ku xigeenka qaybta.
hadaba waxa iga yaabsaday sida dabku u soconayey isaga oo meel 1km ah mar keliya ku boodaya.oo isla ilbidhiqsigaa meeshii gubanayso dhulkuna waa dhul aad u jiq ah. maraan wax ka weydiiyey khasaaraha meesha ka dhacay ayaa maayirku ii sheegay inuu berito (Maanta) shirsaxaafadeed ku soo bandhigi doono khasaaraha jira”
“Waxaan u Rajaynaynaa inuu Madaxweyne noqdo Obama”
Soomaaligii dharka u xidhay Mr. Brack Obama, Muxumed Xasan Dhuugaw,
Hargeysa (Ogaal)- Muxumed Xasan Muumin (Dhuugaw), oo ah Odaygii Soomaaliga ahaa ee la sawirnaa ninka u tartamaya Musharaxnimada Xisbiga Dimuquraadiga ah ee Maraykanka ee tartanka doorashada Madaxweyne-nimo Mr. Brack Obama, ayaa sheegay in labiskii lagu eedeeyay Mr. Obama ay ugu xidheen xurmayn xili uu booqasho ku tagay Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kiiniya.
Labiska dharka dhaqanka Soomaalida ee Warbaahintu faafisay isaga oo gashan Mr. Brack Obama, isla markaana la taagan Oday Muxumed Xasan ayaa muran-siyaasadeed xoogani ka dhashay, ka dib markii kaaliyayaasha Mrs. Hillary Clinton ay faafiyeen sawiradaas. Hase yeeshee, mar ay BBC-du waydiisay sida uu isagu u arko markii uu arkay sawiradaas oo loo isticmaalay qaab siyaasadaysan, waxa uu yidhi, “Aad iyo aad ayaan uga xanuunsaday oo uga naxay, markaan arkay (sawirka).”
Isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd, ujeedada ku kaliftay in uu nin siyaasi ah oo Maraykana u xidhidho dharka Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, “Ninkani noogumuu iman siyaasi ahaan, isaga oo dad la socda ayuu meesha noogu (Wanjeer) yimi, aniguna waxaan ka shaqeeyaa nabadgelyada oo booliska ayaan Madax u ahay. Markaa kol haduu naga soo codsaday oo uu yidhi Odayaasha inaan la kulmo ayaan rabaa, markuu noo yimi waa la soo dhaweeyay, sidii markii hore caadada noo ahaydna ninka noo yimaada dhar Soomaali ayaanu u xidhi jirnay, markaa dharkii baanu u xidhnay oo aniga ayaa gacantayda ugu xidhay.” Oday Dhuugaw waxa la sii waydiiyay markii dharkan loo xidhayay Mr. Obama in uu dood ka keenay iyo inkale. Waxa uu sheegay in aanu dood ka keenin, isla markaana ay maryahan u xidhaan cidda ay sharfayaan oo keliya. “Ma wada xidhiidhno, isla maraana kamaanaan wada-hadal arrimo siyaasadeed iyo kuwo diineed toona. Waxaan anigu jeclahay, inuu Madaxweyne noqdo, weli-ba waxaan Illaahay u tuugi (baryi) lahaa inuu Madaxweyne noqdo, maxaa yeelay immika isaga oo banaankaa jooga ayaaba la igu dilayaa, markaa inuu Madaxweyne helo ayaan rabi lahaa.” Sidaa waxa yidhi Oday Muxumed Xasan.
Mr. Muxumed Xasan Muumin (Dhuugaw), waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in booqashadii uu ninkaasi ku tagay deegaanka Wajeer laba sannadood ka hor, oo la xidhiidhay wax ka ogaanshaha mashaariic Maraykanku ka fuliyay dhulkaas, loo bedalay arrimo dacaayadeed, waxaanu intaa ku daray in ninkaasi uu ula muuqday qof aan xumayn oo lays fahmi karo.
Ethiopia oo kalla saartay howlaha ay kala leeyihiin Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde
London (Ogaal/W.Wararka) - Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Siyum Musfin ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dawlada Somaliya Cabdilaahi Yuusuf ku wargeliyay in Dawlada Itoobiya Taageersantahay Hindisayaasha talaabooyinka RaysalsalWasaare Nuur Cadde ku doonayo inuu kaga sameeyo magaalada Muqdisho dib u heshiisiin.
Sida lagu faafiyay Idaacada Shabeele oo ka jirta Muqdisho, Sayum Musfin mar uu dhawaan Magaalada Baydhabo kulla Kulmay labadan xubnood oo la sheegay inay si weyn iskaga horyimaadeen ayaa waxa uu tilmaamay in dawlada Itoobiya qorshaynayso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, Si taa loo helana ay ku garabtaagan yihiin Raysal Wasaare Nuur Cadde inuu wada xaajood la gallo dhinacyada ka soo horjeeda. Islamarkaana waxa uu u soo jeediyay Cabdilaahi Yuusuf inuu faraha uga qaado hawshaas. Islamarkaana waxa uu warku tilmaamay in taa Cabdilaahi Yuusuf aqbalay in kasta oo uu si adag uga horjeeday markii hore qaabka raysal wasaarihiisu wax u wado.
Dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeya ayaa ku tilmaamay maadaama talaabooyinka cusub ee ay ku dhaqaaqday xukuumada Nuur Cadde ku garabtaagantahay Itoobiya in taasi wadda u xaadhi karto in Cabdilaahi Yuusuf maro jidkii uu qaaday Cali Maxamed Geedi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Dawlada Mbeghati Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso mucaaradka iyo Dowladda Somalia, hadalkaas oo dhinacayada ka horjeedaana si adag uga horyimaadeen.
Afhayeenka Dawlada Cabdilaahi Yuusuf isaga waxa uu ku dooday in wafdigii ka socday xukumadda Itoobiya ee uu hoggaaminayay Seyoum Mesfin ee socdaalka ku tagay Baydhabo ay tusaale fiican yihiinb howlo dib u heshiisiineed oo uu sheegay in ay doonayso Itoobiya inay ka dhex sameyso dhinacyada isku haya Somaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Isbahaysi isku magacaabay dib u xoreynta Somaliya oo ku sugan Asmara ayaa sheegay in aanay iyagu marnaba diyaar u noqonayn inay ka qaybqaataan dhexdhexaadin ay waddo Dowladda Itoobiya; oo uu ku sheegay inay tahay mid xoog ku haysata Somaliya
“Waxaa jira cadaadisyo caalami ah oo nagu riixaya inaan la hadalno Dawlada, iyadoo aanay Somaliya ka bixin ciidamada Itoobiya, balse taas waxaan weli ka tagannahay mowqifkayagii hore”Sidaas ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Asmara.
Sheekh Shariif Muu cadaynin hawlgalada beesha caalamku soo bandhigtay ee ay ku cadaadinayso sida ay ugu dambeyn ka yeeli doonaan, balse waxa uu carabka ku adkeeyay, mar walba oo la soo qaado dib u heshiisiin ay la yeeshaan Dawlada Cabdilaahi Yuusuf inay ugu dalbanayaan inay marka Hore Soomaaliya ka baxaan ciidamada Itoobiya.
Sida waraku sheegayaan Magaalada Addis Ababa waxa ku sugan xubno muhiim ah oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, iyo waliba Raysal wasaare Nuur Cade kuwaasoo la sheegay inay halkaa u tageen wada hadalo iyo isku dayo la doonayo in la iskugu soo dhaweeyo dhinacyada ku hirdamaya Muqdisho, Hase ahaatee, waxay u muuqataa in aan talaabooyinkani wax muuqda oo midho ah ilaa hadda keeni.
M. Rayaale oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya
Hargaysa(Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafti uu hogaaminaayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Ahmed Oulda-Abdalla.
Kulanka shalay uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen, ayaa warsaxaafadeed ay Madaxtooyadu ka soo saartay waxa uu u dhignaa sidan: - “Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay (Habeen hore) kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Ahmed Ould-Abdalla oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland shalay khamiistii.
Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga gaarka ah ee QM waxa ay ka wada hadleen Arrimo dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin dhinacyada Nabadgelyada, Xasiloonida iyo geedi socodka nidaamka dimuqraadiyada ee Somaliland ay ku tallaabsatay tan iyo intii Qaranimadeeda ay kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Booqashada Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane Ahmed Ould-Abdalla oo ahayd tii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa ujeedada ugu muhiimsan ee ka dambaysaa ay ahayd socdaal isberasho ah oo ujeedadiisu ahayd inuu indhihiisa ku arko waxyaabaha ay Somaliland qabsatay , isla markaana uu kulamo kala duwan la yeesho Madaxda xukuumada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimo badan oo ay ka mid tahay qaddiyada Somaliland iyo fariimo la xidhiidha waxyaabaha ay qabsatay Somaliland si uu ugu gudbiyo ergaygu Xoghayaha Qaramada Midoobay
Mudane Ahmed Ould-Abdalla waxa uu isaguna ku dheeraaday, aadna ugu amaanay Somaliland Waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu weyn yihiin xoojinta dimuqraadiyada , Nabad gelyada, Xasiloonida iyo shuruucda dawladnimada Somaliland ku dhaqmaysay tan iyo mudadii ay qaranimadeeda la soo noqotay, waxana uu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad u dhiiri gelinayso sii xoojinta waxyaabaha u qabsoomay Somaliland, taas oo uu ballan qaaday inuu u gudbin doono Qaramada Midoobay gaar ahaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo aanay haboonayn in la iska indho tiro waxyaabaha ay Somaliland qabsatay ee dhinaca horumarinta. Ergayga gaarka ahi waxa kale oo uu ballan qaaday in socdaalkiisani aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay, hase yeeshee uu damacsan yahay mustaqbalka soo socda socdaalo kala duwan inuu ku yimaado Somaliland, kulamo intan ka sii badana uu la yeesho Madaxda Jamhuuriyada Somaliland.
Mar uu soo qaaday Ergaygu socdaalkii ay dhawaan ku timid Somaliland Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer waxa uu ku tilmaamay socdaalkaasi mid dhaxal gal ah oo wax weyn ka bedelay aragtidii Beesha Caalamku ka qabeen Somaliland, waxana uu ku soo gabo gabeeyay inuu rajaynayo Somaliland inay ku sii socon doonto tubta Nabada iyo dimuqraadiyada, iyada oo doorashooyinka soo socdaana si Nabad ah oo xor ah u dhici doonaan” Sidaas ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale, Wafdiga uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ka hor intii aanu soo gaadhin Hargeysa waxa uu socdaal ku soo maray magaalada Baydhabo iyo Boosaaso ee dalka Soomaaliya oo uu kulamo kula soo yeeshay hogaamiyayaasha maamulada ka jira.
Qaylo dhaan abaareed oo ka soo yeedhay Koonfurta Sanaag
Ceerigaabo(Ogaal) Maayorka Degmada Fiqifuliye (Koonfurta Sanaag) C/fataax C/laahi Xasan ayaa sida uu kusoo warramay weriyaha Ogaal ee gobolka Sanaag Mr-Darwiish wuxuu baaq qaylo-dhaan oo uu soo saaray ku sheegay in xaalad abaareed iyo biyo la’aan ba ani ka jirto degaannada koonfurta Sanaag. Arrintaas oo sida uu sheegayna saamayn weyn ku yeelatay nonlosha iyo caafimaadka xoolaha iyo dadka ku dhaqan degaannadaas.
Sidaasi daraadeed Maayorka Fiqifuliye waxa uu hay’adaha samafalka (caalammiga iyo waddanigaba) ugu baaqay gurmad bani’aadamnimo oo degdeg ah in loo fidiyo degaannadaas abaaraha iyo biyo la’aanta ba’ani ka jirto.
Waxa kaloo maayorku baaqiisan ku caddeeyey in nabadgelyo buuxda ay ka jirto guud ahaan degaannada koonfurta Sanaag isagoo si kululna u canbaareeyey warar sida uu sheegay been abuur ah oo sheegaya in ammaan darro ka jirto meelo ka mid ah degaannadaas (koonfur Sanaag) isagoo sidoo kalena ballan qaaday gacmo furan in ay kusoo dhowaynayaan cid kasta oo gurmad bani’aadamnimo ku tegaysa degaannadaas. “Waan caddaynayaa in degaannada koonfurta Sanaag ay ka jirto abaar iyo biyo la’aan badan oo khatar ahi taas oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha iyo Caafimaadka xoolaha iyo bulshada degaannadaas ku dhaqan”. “Hay’adaha samfalka iyo cid kasta oo gacan ka geysan kartaba waxaan ugu baaqayaa gurmad bani’ aadamnimo oo degdeg ah in loo fidiyo degaannadaas koonfurta Sanaag”. Sidaas waxa yidhi Maayorka Fiqifuliye oo arrintan ka hadlayey.
Isagoo xagga nabadgelyada degaannadaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan cid kastaba u caddaynayaa degaannada koonfurta Sanaag inay ka jirto nabadgelyo buuxda waana waxba kama jiraan wararka beenta ah ee sheegaya in ammaan darro kajirto meelo ka mid ah degaannadaas. Waxanna ballan qaadayaa gacmo furan in lagu soo dhowaynayo oo lala shaqaynayo cid kasta oo gurmad bani’aadamnimo ku imanaysa ama u fidinaysa degaannadaas koonfurta Sanaag”.
Hirdanka shirweynihii sadexaad ee Ururka Suxufiyiinta SOLJA iyo hanaankii doorashada Gudiga fullinta
Hargeysa (Ogaal)- Shirweynihii saddexaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa shalay lagu soo geba-gabeeyay Huteel Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa oo laba maalmood ka socday, isla markaana waxa lagu doortay Hogaanka 3-da sanno ee soo socda maamuli doona Ururkaas.
Shirwaynahan ayaa Suxufiyiinta ka qayb-galay intii uu socday waxa ay ka doodayeen, wax ka badal iyo Kaabisna lagu sameeyay Dastuurka Ururka Solja, iyadoo qodobadii waxka badalka lagu sameeyay mid kasta Goonidiisa looga dooday. Islamarkaana Gaar gaar iyo guud ahaanba cod loogu qaaday loona ansixiyay.
Sidoo kale waxa lagu doortay Shirweynahan Gudiga Fulinta Ururka Suxufiyiinta ee Solja. Kuwaasoo iska dhexdoortay Guddoomiye, laba Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye guud.
Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka mid ah Guddida fullinta ee shirweynaha lagu doortay ayaa madashaa kaga dhawaaqay sidii ay u doorteen shirgudoonka iyo xoghayaha guud, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuu inoo dhamaaday, sidaad ogsoon tihiin Guddi fulineed ayaa la doortay oo 15 xubnood ah, sida sharciga ku qoran Guddida fulintu hadana gaarkeeda ayay u dooranayaan shirgudoonkoodii iyo hogaanka Ururka-ba. Sidaa daraadeed, Guddoomiyaha Guddidayadii fulinta waxaanu u garanay inuu ahaado Mustafe Cabdi Ciise, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad-na Xariir Faarax Ducaale, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed-siciid Muxumed Xoghayaha guud ee Ururka Muuse Xaaji Muxumed Guuleed,.”
In kasta oo labadii maalmood ee uu socday Shirweynahaasi ay hadheeyeen murano iyo khilaafaad la xidhiidhay, wax ka badalka Dastuurka iyo qaabka ay gidigii loo xilsaaray qaban-qaabada Shirweynuhu u soo dhigeen in loo soo xullo Ergooyinka shirka ka qaybgalay. Hadana waxa kama danbaystii shalay gelinkii danbe oo uu shirku Burbur qarka u saaraanaa suurtageliyay habsami u socodkiisa masuuliyiin ka tirsan ururka Suxufuiyiinta iyo Qorayaasha madaxabanaan ee SSJW oo habgoob-joognimo kaga qaybgalay shirka.
Hase yeeshee, ka hor intii aan la dooran Gudiga fulinta waxa shirweynaha ka baxay Ergo ka socotay Wargeyska Jamhuuriya. Kuwaasoo saluugay nidaamka shirweynahu u socday ama loo soo dhigay iyo qodobo ka mid ah soo jeedimihii Ergooyinka oo ay u arkayeen kuwo loogu danaynayo cid gaar ah.
Shirgudoonkii shirweynahaasi iyo Goobjoogayaashii dhexdhexaadka ahaa waxay ku guulaysteen Codbixin dimuquraadi ah oo lagu doortay 15-ka Xubnood ee Guddiga fulinta, iyadoo maqnaansho duu duub ah loogu codeeyey xubinta ka soo gelaysa Gudiga fulinta Ergada ka baxday shirka. Taasina waxay ka danbaysay markii Gudoomiyaha Wargeyska Saxansaxo Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xidhiidh la sameeyay siduu sheegay Ergadaasi ay ku soo dhameeyeen habkaa is afgaradka ah.
Guddoomiyaha Ururka Solja Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine) oo gunaanadkii shirkaa iyo doorashadiisa ka dib hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu ururka Solja ku dedaali doono maslaxada iyo wada- shaqaynta Saxaafadda, waxana uu sheegay in ay ku dedaadli doonaan wixii tabasho ah ee jira ay ku dedaali doonaan dhamayntiisa. “Horta meesha waxaynu u nimi inaynu dhisno mustaq-balkii Saxaafada Somaliland, dadkuna meel ma wada maraan, hadii ay jirto wax tabasho ahi ururkani wuxuu ku dhisan yahay mar walba maslaxad iyo iska daba tag, oo dhaqanka Somaliland baa sidaa qaba, oo cidii tabasho qabta waynu ka daba tagi doonaa, waynu la xidhiidhi doonaa, cid aynu ka hadhayno oo aynu ka maraanaana ma jirto, Ururka SOLJA-na wuu u furan yahay cid walba.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Solja Mustafe-shiine, waxaanu u rajeeyay in illaahay u fududeeyo maamulka cusub ee loo doortay xilka Ururka.
Xubnaha Gudiga fullinta ee la doortay.
1- Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine),
2- Xariir Faarax Ducaale,
3- Maxamed-siciid Muxumed
4 - Muuse Xaaji Muxumed Guuleed,
5 - Muha Daahir Faarax
6- Nimco Cumar Samriye,
7 - Maxamed Aw Aadan,
8 - Xasan Maxamed Yuusuf,
9 - Axmed Saleebaan Dhuxul
10 - Cabdi-weli Faarax Jaambiir
11 - Axmed Ismaaciil Xuseen (Axmed-cirro)
12 - Cabdi-salaan Maxamuud Ducaale
13- Muuse Aadan Qalinle
14 - Maxamed Muuse Diiriye
15 - iyo xubinta Wargeyska Jamhuuriya laga sugayo.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.
Warsame Abdilahi Jijgawe News
|
|