[ Yahoo! ] options
Doon Kaluumaysi oo
qaraqantay
.
Doon Kalluumeysi oo ku qalibantay Degmada Warshiikh.

Jijgawe News — Muqdisho, Soomaaliya — Jimco, June 27, 2008

Hal Ruux ayaa geeriyooday labo ruux oo kalena si dirqi ah ayay ku badbaadeen kadib markii Doon ay
saarnaayeen oo nooca kalluumeysiga ah ay kula qalibtay meel u dhow Xeebta Degmada Warshiikh ee
Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Warshiikh C/raxmaan Macallin Axmed ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday iyo
labada ruux ee soo badbaaday oo dhamaantood Soomaali ah ay markoodii hore ka shiraacdeen dhinaca
Xeebaha Gobolka SHabeelaha Hoose, wuxuuna sheegay in dadkii soo badbaaday gurmad deg deg ah loo
sameeyay.

Ilaa iyo haatan waxaa la la’ yahay Meydka Ruuxii geeriyooday iyo burburka Doontii ay wateen, waxaana
haatan meydka ninkaas baadi-goobaya Kalluumeysato ka soo jeeda Deegaannada hoos-yimaada
Degmada Warshiikh.

Doontan ayaa xiliga ay qalibmeysay waxaa aad u kacsaneyd Badda, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in
lagu jiro xilligii Bad-xiranka oo ay Kalluumeysatada wata Doomaha yar yar ay si aad ah uga baqaan in ay
Badda galaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Doon ku qalibanto Xeebaha Degmada Warshiiskh, waxaana horay u
jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay Kalluumeysato saarnaa la qalibantay Doon ay wateen.
_____________________________________________________________________________________

Jaamacada Carabta oo sheegtay in ay iska kaashan doonaan Midowga Africa sidii wax loogu qaban
lahaa dhibaatada Somaliya ka jirta.


Jijigawe.com — Muqdisho, Soomaaliya —  Arbaco, Jun 25, 2008

Jaamacada Carabta ayaa waxaa ay sheegtay in wadamada Midowga Africa ay iska kaashanayaan sidii loo
dajin laha Xaalada kacasan ee wadanka Soomaaliya.

Uqeybsamaha Arimaha Africa Jaamacada Carabta Samiir Xusni oo ku sugan Magaalada Qahira ee dalka
Masar ayaa waxa uu sheegay in Jaamacada Carabta iyo midowga Africa ay iska kaashanayaan sidii loo
dajin lahaa Xaalada dalka Soomaaliya,waxaana uu tilmaamay in Jaamacada Carabta,Midowga Africa iyo QM
oo is kaashanaya ay qaadeen talaabooyin lataaban karo oo wax ku ool ah oo ku aadan dajinta xaalada
dalka Soomaaliya kadib markii magaalada Jabuuti 9 kii bishaan lagu saxiixay hishiis ay wada gareen
dowlada KMG iyo Mucaaradka.

Samiir Xusni waxa uu tilmaamay in Jaamacada Carabtu ay sii wadi doonto is kaashiga ay la samayneyso
Midowha Africa kaasi oo ku aadan sidii Soomaaliya loogu heli lahaa Xal waara, waxaana uu sheegay in
Jaamcada Carabta ay diyaar u tahay in wadanka Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad waarta iyadoo loo sii
marayo Wada hadalo iyo waliba is kaashi ka yimaada dhinaca Beesha Caalamka,waxaana Samiir Xusne uu
ka Codsaday hogaamiyaasha Midowga Africa in ay iyagana is kaashigaasi ay dhinacooda xoojiyaan si buu
yiri loo dajiyo Xaalada Soomaaliya oo mudo 18 sano aheyd mid murugsan oo xal loo waayay.

Warsame Abdilahi.
Jijgawe News.
Afhayeenka ururka AL
Shabaab
Sheekh Mukhtaar Roobow
Abuu Mansuur .
Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada
Dhuusamareeb uu ku geeriyooday Aadan Xaashi Ceyrow.

Jijgawe News — Muqdisho, Soomaaliya — Khamiis, May 01, 2008(

Halkan ka dhagayso:

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa xaqiijiyay in duqeyn
ay xalay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ay ku geeriyoodeen Aadan
Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo labaduba ka mid ahaa dhaqdhaqaaqa Al-
Shabaab.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in marxuumiintaas ay ku geeriyoodeen Guri ay ku jireen oo ay
Diyaaradaha Mareykanka madaafiic ku garaaceen, wuxuuna caddeeyay in ay labadaas maxruum
shahiideen, isla markaana ay geeriyoodeen iyagoo jihaad ku jiray.

“Haddii uu shahiiday Macallin Aadan Xaashi Ceyrow waxaa jooga Ardaydii uu soo wax baray iyo raggii ay
shaqada ku ballameen, waana sii socon doonaa jihaadka lagu xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu intaas ku daray in ay  u aar-gudi doonaan Aadan  Xaashi Ceyrow iyo
Shiikh Muxumed Maxamuud Cumar, isagoo sheegay in ay dad badan oo hadda ku farxaya geerida
marxuumiintaas ay halaag ku dambeyn doonaan.

Duqeynta ay labadaas marxuum ku geeriyoodeen ayaa sidoo kalena waxaa ay sababtay dhimasho soo
gaartay dad kale oo 10 ruux ka badan iyo weliba dhaawac soo gaaray dad ka dhawaa halka ay duqeynta
ka dhacday, iyadoo xiliga duqeyntaas dhacdayna ay ahayd aroor hore oo saaka ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee duqeynta ay ku dhinteen raggaas ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka
lagu sheegay in dalal Afrika ku yaala oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay ka jirto khatar ay ku hayaan Kooxo
ka tirsan Shabakadda Al-Qaacidda, iyadoo ka sii horna ay Dowladda Mareykanka ku dartay Liiska
Argagixisada Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Warsame Abdilahi.
Jijgawe News.