 |
|
Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya.
|
|
|
 |
|
|
Buuhoodle.
|
|
|
Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku kulmaya Dalka Yemen.
Jijigawe.com — Mogadishu, Somalia — Axad, Jun 29, 2008
Indhawaalaba waxaa socday dadaallo la doonayo in lagu xalilo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku kala tegay wada hadallo ay soo qaabeysay Qaramada Midoobay oo xal loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya.
Dadaal lagu isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa wada Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho ka tegay, kuwaasi oo labada dhinacba kala hadlay in ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu jiro qorshe ku saabsan in labada dhinac ku kulmaan Dalka Yemen, wuxuuna xusay in ay arrintaas ka shaqeeyeen Rag ka yimid Soomaaliya oo isku howlay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, inkastoo uu ka gaabsaday in uu magacaabo raggaas Soomaaliya ka yimid ee dhexdhexaadinta wada.
Horayna C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u sheegay in ay socdaan dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in khilaafkaas lagu xalinayo Isbaheysiga dhexdiisa, isla markaana arrinta hoos loo geli doono.
“Horaa loo yiri Gacmo Geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa marka waxaan dooneynaa in aan mad-madowgaas ku xalinno Isbaheysiga dhexdiisa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo rajeeyay in ay labada dhinac is-af-garan doonaan.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Xubno ka socda Maxkamadihii Islaamka, Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa wuxuu labo u kala jabay kadib markii labada Mas’ uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga iyo Xubno ku fikir ah ay goosteen in ay Wada hadal ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamda Itoobiya la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kadibna xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku guddoomiye ku xigeennada Isbaheysiga ay arrintaas kas oo horjeesteen. ______________________________________________________________________________________ Xiisad Colaadeed oo u dhaxaysay laba beelood oo wada Deegaanka Buuhoodle oo lagu guulaystay in la xaliyo.
Buuhoodle, Somalia. — Axad, Jun 29, 2008 -- Jijigawe News.
Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa ku guulaystay in ay damiyaan xiisad colaadeed oo ka dhaxaysay laba beelood oo wada daga deegaanka Buuhooodle gobolka Cayn ee Puntland.
Labadaan Beelood ayaa in ka badan 30 rag ah isaga kala dilay tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Buuhoodle ,waxaana colaadda u dhaxaysa labadaasi beelood ay noqotay mid si wayn looga dareemay deegaanadaasi.
Suldaan Siraad Garsoore oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in gudiyo loo saaray sidii ay u soo afmeeri lahaaayeen xiisada colaadeed ee labadaasi beelood mudada ka dhaxaysay.
Gudiyada loo saaray xalinta khilaafka labada beelood waxa ay ka kala kooban yihiin odayaal ka kala socday labada beelood ee uu dagaalka dhaxmaray,kuwaasi oo shalay galankii danbe ku heshiiyay deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn ee Maamulka dawlada goboleedka punland.
Heshiisyada labada beelood ay wada gaareen waxaa ka mid ah in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ku xad gudubta heshiiska labad beelood ay wada gaareen.
Colaadda labadaan beelood soo dhaxmartay ayaa ahayd tii ugu dhiig daadashada badnayda inta la xasuusto khilaaf abid dhax mara beelaha wada daga gobolkaasi Cayn.
Xalinta khilaafka labada beelood ayaa timid kadib markii dadaal dheeraad ah ay u galaan salaadiin iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolkaasi in la xaliyo khilaafka labada beelood.
Warsame Abdilahi. Jijigawe News.
|
|
|
 |
|
|
|
Magaalada Kismaanyo.
|
|
|
|
 |
|
|
|
Kor, Bidix ka bilow: Cawke, Ducaale, Dalmar, Hereri, Raabi.
Hoos, Bidix ka bilow: Ridwaan, Cabdishakuur, Cabdixaafid, Sadaam iyo Amran.
|
|
|
 |
|
|
|
Isbahaysiga Dibu Xoreeymta.
|
|
|
|
RAAD TV oo hawada soo galay iyo Wariyayaal caan ah oo ka mid noqday Shaqaalahiisa .
Jijigawe.com — Jijiga, Soomaali Galbeed — Axad, May 11, 2008
Sida dad badani ay la socdaan waxaa dhowaan hawada soo galay Taleefishinka caalamiga ah ee RAAD oo ah taleefishin ku hadli doona afka Soomaaliga, barnaamijyadiisana gaarsiin kara dhamaan daahafaha dunida iyo deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga.
Waxaana muhimadda taleefishinkaasi uu yahay in uu la hadlo dhamaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga sida ay sheegtay Maamulaha TVga RAAD Fawzia Yusuf Xaaji Aden, waxaana ay sheegtay in TVgu uu noqon doono mid ka madax-banaan siyaasaddo gaar ah.
TVga RAAD oo haatan soo galay hawada ayaa laga daawadaa Qaaradaha Africa, Asia iyo Australia, Waxaa sidoo kale maamulka taleefishinku xaqiijiyey inay bisha June ay hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan.
Taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcad iyo qadarin ku dhex leh ummdda Soomaaliyeed oo khibrad iyo Aqoon u leh Warbaahinta isla markaana si fiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda oo isugu jira Odayaal iyo Dhalinyaro.
waxaana qaar kamid ah Wariyayaasha howshaasi wadi doona kamid: Axmed Xasan Cawke, C/salaan Hereri, C/shakuur Cali Mire, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Cali Axmed Raabi, C/xaafid Ismaaciil , Cabdicasiis Sadaam iyo Amran faysal.
Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin: diin, siyaasad, suugaan, wacyigalin, taariikh,warar iyo Madadaalo. Ayadoo taleefishinku yeelanayo hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.
Haddab Taleefishinka oo hawada galaya labadii bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan karaam haatan: Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder: 4GL. ______________________________________________________________________________________
Isbaheysiga Asmara oo ku adkeysanaya in aysan wax wada hadal ah la gali doonin TFG-da. .
Jabuuti, Jabuuti — Axad 11 May 2008 -- Jijigawe News.
Xubnaha horkacaya Wafdiga Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Dalka Jabuuti ayaa waxa ay wali ku adkeysanayaan in aysan wax kulan ah aysan la gali doonin dhigoda kale ee ka socoda Dowladda Faderaalka KMG ah.
Xalay ayeey aheyd markii la iclaamiyay in Shirkii ay isu fadhiisan lahaayeen Isbaheysiga iyo Dowladda ee lagu qaban qaabinayay in uu ka dhaco Dalka Jabuuti ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay Mowqifkooda ku adkeysteen Xubnaha ka socda Isbaheysiga Dib U Xoreynta.
Wararka naga soo gaaraya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Ergayga Q.M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Adallah uu wado kulamo gooni gooni ah uu la qaadanayo Xubnaha ka kala Socda labada Dhinac, si ay isu hor fariistaan.
Madaxda Dowladda Dalka Jabuuti iyo Ergaga Q.M ayaa waxa ay ka shaqeynaayaan sidii labada Dhinac ee isku heysata Siyaasadda Soomaaliya lesugu hor fariisin lahaa, waxaana dadka Soomaaliyeed ee meel kasta jooga ay u dhaga taagayaan waxa ka soo baxaya Shirka la doonayo in leys hor farisiisyo Kooxaha Mucaaradka Asmara iyo Dowladda KMG ah.
Warsame Abdilahi. Jijigawe News.
|
|