Guddoomiyaha Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya
Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shirweynihii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka furmay.

Jabuuti, USA. -- Talaado, July 1, 2008 -- (Jijigawe News):  

Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxaa saaka ka bilowday Shirweynihii labaad ee Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya, inkastoo shirkaasi aysan ka qeybgelin Xubno Isbaheysiga ka tirsan oo weli sii
jooga Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta  ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qeybgaleen in ka badan 100 Xubnood.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu intaas ku daray in Shirweynaha ka furmay Magaalada Djibouti ay
xubnaha ka qeybgelaya ka doodi doonaan Islaamka iyo Siyaasadda, Qaab dhismeedka Bulshada
Soomaaliyeed iyo qodobo kale, wuxuuse sheegay in ajendayaasha rasmiga ah ee shirka dib loo dhigay
ilaa muddo todobaad ah, xiligaasi oo ay shirka ka soo qeybgeli doonaan Xubno 48 Xubnood gaaraya oo uu
horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasi oo haatan ku
sugan Dalka Yemen.

48-ka Xubnood ee ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed
ayaa waxay Yemen u tageen in ay ka qeybgalaan Wada hadallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada
Isbaheysiga Dib u xoreynta ee is-khilaafay.

Haddaba iyadoo uu maanta Jibouti ka furmay Shirweyne ay leeyihiin Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya waxaa iyana shirweyne midkaas la mid ah qaban doona Xubnaha Isbaheysiga Dib u
xoreynta ee ku sugan Magaalada Asmara, kuwaasi oo uu shir guddoomiye u yahay Sakariye Maxamuud
Xaaji Cabdi, wuxuuna shirkaasi bilaaban doonaa 3-da bishan July.
_____________________________________________________________________________________

Dagaal culus oo ka soconaya qeybo ka mid ah Degmada Hodan.

Moqadishu, Soomaaliya. -- Talaado, July 1 , 2008  --  Jijigawe News

Dagaalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu u dhaxeeya
Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Amison oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan
oo ka soo horjeeda ayaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayo laga maqlayo xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socdo
ayaa waxaa uu bilowday 5:40pm, waxaana uu ka socdaa Xaafadaha Tareebuunka, Taleex iyo nawaaxiga
Isgoyska KM4.

Lama oga ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dagaalkan, waxaase la hubaa in uu
jiro khasaare waayo waxaa la isu adeegsanayaa Madaafiic culus.

Xaafadaha uu dagaalka ka socda ayaaney u ahayn markii ugu horeysay oo uu dagaal ka dhaco waxaana
jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay dagaallo ka dhaceen.

Warsame Abdilahi
Jijgawe News.
Dagaalka Muqdisho March
2008.

Ka Dhagayso halkan:
Kolonyo Ciidamo
Itoobiyaan ah oo marayay
inta u dhaxeysa Kuliyaddii
Jaalle Siyaad iyo Xeradii
Damaanyo ee Degmada
Hodan ayaa waxaa lagu
qaaday weerar loo
adeegsaday qarax.
Weerar dhimasho keenay
oo caawo lugu qaaday mid
ka mid ah saldhigyada
booliska Muqdisho.
(Sun-14-Jan-2007)
Hay'adda Human rigts oo ugu baaqday golaha ammaanka ee Q.M in uu u dhaqaaqo so afjarida
mishaakilka Soomaaliya.

New York, USA. -- Sabti, 26 Abril 2008 -- (Jijigawe News):  

Hay'adda u ololeysa xaquuqda aadanaha ee Human rights watch ayaa sheegtay in rabashadaha iyo
dagaaladda aan kala go' laheyn ee ka jira magaaladda Muqdishu ay kaga sii darayaan dhibka, kadeedka
bina'aadanimo iyo mishaakilka xaquuqda aadanaha ee ay wajahayaan rayidka boqolaal kun gaaraya ee
ku sugan caasimadda Soomaaliya.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee dhex mara isbaheysiga kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamadda
Itoobiyaanka oo dhacay 19 kii iyo 20 kii bishan ayaa waxaa ku naf waayay tiro badan oo rayid ah, sida ay
sheegeen kooxaha u ololeeya xaquuqda aadnaha ee Soomaaliya .
Kow iyo toban ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu dilay misaajidka Al Hidaya ee magaaladda Muqdishu.

Human rights watch ayaa soo saartay hadalkan warsaxaafadeedka ah ee ay ugu baaqeysa Golaha
amannka ee Q.M in uu qaado tallaabooyinka lagu joojiyo mishaakilka Soomaaliya waxuuna
warsaxaafadeedka ku soo beegmay xilli toddobaadka soo socda golaha amniga ee Q.M uu u codeyn
doono arrimaha Soomaaliya.

“Wareegii ugu dambeeyay ee dagaalada ka dhacay Muqdishu waxa' ay muujinayaan in arka aad is
tiraahdo, ma sii xumaanayo dhibka rayidka soo gaaraya, in markaasiba uu ka sii darayo,” ayuu yiri,
Georgette Gagnon, oo ah madaxa Human Rights Watch ee qaaradda Afrika.

“Q.M waa in ay u dhaqaaqdaa si go'aan ku jiro si la soo dhammeeyo gabood faladda ka dhacaya
Soomaaliya. Q.M waa in ay sammeysaa gudi caalami ah oo baara damiyadda dhowaantan dhacay,
xanibaayna la saaraa kuwa ugu xun ee geystay gabood faladda.” ayay Human Rights Watch ku tiri war
saxaafadeedkeeda.

Mishaakilka Soomaaliya ayaa ka sii daray horraantii sannadkii 2007, markii ciidamo ka socda Itooboya ay
soo galeen dalka iyaga oo taageeraya dowladda soomaaliya, waxayna taladda ka tuureen dhaqdhaqaaqii
maxkamadaha Islaamiga ee ka talinaayay xilligaasi magaaladda Muqdishu.

Kumaan kun oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalo dhacay tan iyo horraantii 2007, iyada oo kumanaan
kalana lagu dhaawacay, waxaana jirta in dad ku dhow 700,000oo ruux ay qsab ku noqotay in ay ka
cararaan guryahooda ka dib markii xaafadahooda ay bartilmaameed u noqdeen weeraro aan kal sooc
laheyn, dilal bartilmaameedsan, bur burin hanti iyo tacadiyo kale waa sida ay warbixino iyo muuqaalaba ay
ku heyso hay'ada Human Rights Watch.

Warsame Abdilahi
Jijgawe News.
[ Yahoo! ] options